Qalabkii Dhismaha Dekedda Cusub oo La Dejiyay iyo Maareeyaha oo ka Hadlay Hannaan Afrika aan Ka Jirin oo Marsada Berbera Laga Hirgeliyay

0
514

Berbera (Dawan):- Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa shalay soo kormeeray qalabkii ugu muhiinsanaa ee lagu dhisayay dekedda cusub ee Berbera ee ah 400 ee Mitir oo laga dejiyay markabkii siday.

Waxaa kale oo Maareeye Eng. Siciid uu kormeerkiisa shalay ku soo maray sikuurati kamara lagu soo kordhiyay dekedda Berbera oo 24-ka saacadoodba shaqaynaya, isla markaana marka laydhku haddii uu dansan yahay iyo haddii uu shidan yahayba shaqaynaya.

Waxaanu sheegay Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland in la bilaabayo hawsha dhismaha dekedda ee 400 ee Mitir ah inta ugu mihiimsan oo ah hawsha badda laga qabanayo.

Waxaanu ugu dambayn ka hadlay waxqabad muhiim u ah dekedda iyo dadka macaamiisha ah ee loo adeegayo oo dekedda Berbera ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee afrika ah ee laga hirgeliyo.

Maareeye Eng. Siciid oo ugu horrayn ka hadlaya qalabkii lagu dhisi lahaa dhismaha dekedda cusub ayaa yidhi. “Maanta (shalay) waxaan joogtaa saadkii cusbaa ee laga dhisayay 400 ee Mitir ee dekedda cusub laga dhisayay waxaana la dejiyay oo markabkii siday laga rogay qalabka intii ugu muhiimsanayd ee dekedda cusub lagu dhisayay, shaqada intii ugu muhiimsanayd ee Baddu imika ayay bilaabmaysaa, Sida noo caado ah bishiiba mar ayaanu kormeer ku samaynaa siday shaqadu u socoto hawl wadeenada iyo injineerada shaqada gacanta ku hayaana warbixin ayay naga siiyaan joogto ah siday shaqadu u socoto, waxaa kale oo isna halkan nala jooga Injineer Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa injineeradii hore u dhisay dekedda kormeerka shaqada iyo siday hawlhu u socdaan ku daba jira. Maantana (Shalay) waxaanu warbixinta kaga dhegaysanay halkay Dekedu marayso. dekeddu sidaan horena u sheegay xilligii loogu talo galay ee qorshaysnaa ayay ku dhammaanaysaa.”

Maareeyaha oo ka hadlayay tallaabada dhanka ammaanka ah ee ay qaadeen iyo kamarada sikiyuuratiga ah ee dekeda ay ku xidheen, ayaa yidhi. “Waxaa dekedda hadda ku xidhan 95 kamaradood oo 24-ka. saacadoodba shaqaynaya waxaan u samaynay xarun kaantarooloo laga hago waxaa ka shaqaynaya 8 qof oo is bedela,24-ka saacadoodba maa lalasoconayaa waana dib u eegisna waa lagu samaynayaa. waxaan ogaysiinayaa dhammaan dadweynaha ka shaqeeya dekeda iyo inta usoo shaqo tagtaba in adeegga ammaanku inoogu rakiban yahay isla markaana joogto u shaqaynayo xataa haddii laydhku danyan yahay iyagu way shaqaynayaan.”

Waxaanu ugu dambayn ka hadlay qalab aan dekedaha Afrika wali lagaga shaqayn oo Marsada Berbera ay noqotay dekeddii ugu horraysay ee Afrika ee laga hirgeliyo eek u shaqaysa, waxaanu yidhi. “Waxaa kale oo geydh 10 geydh 6 iyo geydh 5-ba aanu ku rakibnay sikuyuti Kamara akhriyaysa bilaydh lambarka baabuurta, gaadhi kasta oo dhaafa bilaydh lambarkiisu wuu diiwaan gashan yahay hannmkan iyo sistamkan ammaan ee aanu ku rakibnay dekeddu waa kii koobaad ee lagu rakibo deked ku taalla Afrika oo dhan

Ugu dambaynna waxaa uu Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland uu shahaado Sharaf guddoonsiiyay shirkaddii rakibtay ee hir gelisay kamaradaha dhanka ammaanka ee dekedda ammaankeeda loo sameeyay oo lagu magacaabo Huwad.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply