Wasiirro Kulan la yeeshay Xildhibanada Golaha Deegaanka Hargaysa

0
405

Hargeysa (Dawan) Wasiiradda wasaaraddaha arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Diinta iyo aw-qaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa kulan kula yeeshay xarunta dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa, xildhbaanada golayaasha deegaanka degmadda Hargeysa.

Waxaana kulankan ay wasiiraddu la yeesheen mudanayaasha golaha deegaanka ee degmadda Hargeysa, ku wehelinayay badhasaabka gobolka Maroodijeex mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.

Kulankani oo ay warbaahintu dibad joog ka aheyd ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta si wada jira ugu faafhaahiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo duqa caasimadda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Duqa iyo qoladiinan fulintu markii aanu is aragnay oo mudo doora aanu isla yara wadwadney arrintan aanu isla naaqishnay, marka waxaa aanu isla garaney dhammaan goluhu isaga oo isu wada dhan aan halkan kullan isugu nimaadno islamarkaana aynu is weydiino hawlaha imika inoo yaala, iyo hawlaha la doonayo mustaqbalka in aynu qabano, iyo waxyaabaha imika u baahan in wax laga qabto ee deg degga ah, arrintaasi ayaynu isla eegaynaa wixii hawl ahna aynu ka wada hadalo ayaynu qorshaheeda galeynaa”

“Inaga iyadda oo kalfadhigeeni caadiga ahaa inoo socday waxaa kulankeenan aan ku soo macsuuney wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland” ayuu yidhi duqa golaha deegaanka ee degmadda Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply