Madaxda Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Soo Dhaweeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ciyaraha DDS

0
523

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Boos Mire Maxamed iyo gudoomiyaha xidhiidhka lagdanka iyo qalama rogadka mudane Cabdirixiin Sheekh Cali Maxamed (Faro Cadde) ayaa xuduuda Somaliland iyo Wajaale u dhaxeysa ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha dawladd deegaanka Soomaalidda Itoobiya mudane Xasan Cilmi.

Waxaanu socdaalka masuulkani salka ku hayaa is-dhexgalka labada bulsho ee Somaliland iyo dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha mudane Boos Mire Maxamed ayaa ka hadlay qaabkii ay u soo dhaweeyeen masuulkaasi waxaanu yidhi “Halkan waxaa aanu ku soo dhaweynayna wasiir ku xigeenkii dalka jaarkeena, waa wadankiisi, maaha wadan uu qariib ku yahay, waxaa aanu idin tusayna is dhexgalka dhalinyaradda ee labada dhinac, in uu aad iyo aad isugu socdo sida dadku isugu socdaan, sidaasi ayay madaxweyneyaashu balanqaadeen anaguna inta aanu wadi kareyno waanu weydayna waa wadankiisi”

Gudoomiyaha xidhiidhka lagdanka iyo qalama rogadka mudane Cabdirixiin Sheekh Muxumed Faro Cadde ayaa isaguna munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyay waxaanu yidhi “Maanta waxaa aanu soo dhaweynay wasiirku xigeenkii dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jig-jiga mudane mudane Xasan Cilmi waxaaney farxad u tahay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland”

“Kolay farriintani waxaa ay daba socota labada madaxweyne balanqadaadii ay sameeyeen ee ay yidhaaheen waanu fududeynaynaa, talabaad waxaa kale oo jirta xidhiidh faro badan oo aanu la sameynay Somaliland ciyaartoydooda, habkii aanu u fududeyn laheyn maadda dadku dad jaara yihiin, sidii ay bilaa baasaaboor isugu socon lahaayeen maadaama ay bulshadii isu gudbeyso INSHA ALLAH in aanu ka wada hadalo, sidii ciyaaraha loo fududeyn lahaa ee Jigjiga loo tagilahaa, mararka qaarkoodna in aynu ciyaartoy kala qaadano”Ayuu yidhi dhankiisa wasiir ku xigaanka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee dawladd deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply