Agaasimaha Cusub ee Komiishanka Xakamaynta Aids-ka oo Xilkii La Wareegay

0
678

Hargeysa (Dawan):- Agaasimaha cusub ee Komiishanka Xakamaynta Aids-ka Cabdishakuur Ismaaciil Muumin Aare ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay la shaqeeyaan, isla markaana la soo socodsiiyaan waxii ay arkaan ee la xidhiidha xanuunka Aids-ka.

Kulan shalay lagu qabtay xarunta Komiishanka Xakamaynta Aids-ka oo xilalka kula wareegayeen Agaasimaha cusub iyo xubin kale, kana soo qeybgaleen martisharaf kala duwan ayaa ugu horeyn wax aka hadlay. Maxamed Abiib Yuusuf, Agaasimahii hore Daaweynta iyo Daryeelka oo kulanka ka hadlay oo yidhi, “Lacagta ugu badan ee xukuumadu ku bixiso hay’adaha dawlada waxa la siiyaa Komiishanka Aids-ka, si aan cadowna u laynin iyaga dhexdoodana is-dilin, waa nafta badbaadadeeda. Komiishankan waxa loo aasaasay inaanay dadkaasi dhiman, waayo Aids-ku cudurada dilaaga ayuu ka mid yahay. Shaqada Komiishanku hayo waa in laga ilaaliyo dadka xanuunka iyo in la daryeelo dadka xanuunka la nool.”

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Prof Cumar Cali Cabdillahi Badde oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in hawsha Komiishanku hayo ka mid tahay waajibaadkiisa, waxaanu yidhi,

“Wasiir caafimaad ahaan xubin ayaan ka ahay Komiishanka, sidoo kale shaqada ay qabtaan waa mid ka mid ah waajibaadkayga, oo ugu horeyso, wacyigelinta, ka-hortaga iyo Daaweynta dhamaan Cudurada. Laakiin, maadama xanuunkani muhiimad gaar ah leeyahay, oo dhibaato gaar ahna ku hayo da’yarta, oo ah jiilka aynu mustaqbalka ku wareejinayno, si looga ilaaliyo waxa loo sameeyey guddi gaar ah oo Madaxweynaha JSL gudoomiye u yahay.

Sahra Maxamed Xuseen, Agaasimaha cusub ee Daaweynta oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay inaanay madasha hadal badan uga furnayn maadama xil lagu wareejinayo, waxaanay tidhi,

“Maanta (shalay) annaga hadal badan nooma furna, xilbaa nalagu wareejinayaa, marka hore Ilaahay baa mahad leh, waxaan ugu horeyn u mahadnaqayaa Madaxweynaha JSL oo I magacaabay, markii horena xilkii aan ka hayey wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iga qaaday, kuan qanacsanaa oo dalkayga iyo dadkayga la joogay.

Cabdishakuur Ismaaciil Muumin Aare, Agaasimaha Fulinta Komiishanka Xakamaynta Aids-ka oo kulanka hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi “Waxa aad ii cajabiyey Maxamed Xuseen oo in badan calaamadii uu halkan ka sheegay loogada Aids-ka inuu manta igu soo wareejiyo toban sannadood ka dib, malaa nasiib ayaan u yeeshay. Maanta ka dib calaamada hadaad aragtaan ha baqanina waad na xusuusanaysaan, nala shaqeeya, waxaad aragtaan nala soo socodsiiya, aynu wada shaqeyno weeye.

Maxamed Xuseen (Mu’adinka), Agaasimaha Shaqo-Qaran oo gebagebadii ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan masuuliyiinta cusub, waxaanu yidhi,

“Maanta waxaynu u joognaa xil wareejinta inaynu sii sagootino Naasir iyo Maxamed Abiib, oo la nasiyey, wax la eryey ma jiraan, xilkale ayey berry meel kale ka soo wareegi doonaan. Waxaan soo dhoweynayaa Cabdishakuur iyo Sahra Maxamed Xuseen. Hay’adan Aids-ka waxa la aasaasay 15 September, 2005, kooxdii ugu horeysay ayaan ahayn, wax naga soo horeeyey iyo siyaasad u dejisnayd midna ma jirin, halkaa ayaan ka bilownay gurri kiro ah ayaan galnay, lix bilood gudahood waxaan ku samaynay xafiiskan aad imika joogtaan oo ahaa gurri dawladeed oo dunsan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply