Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Sheegay in Arrinta Ceel-Afweyn ay Qaranka Dhiigbax ku Tahay

0
494

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhaawicii iyo dhimashadii ka dhalatay dablay beeleedkii hubaysneyd ee rasaasta ku furay dadkii shicibka ahaa ee ku sugnaa magaalada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in si dhakhso ah loo gudo gallo xalinta iyo xidhista xadhiga nabadaassi ee deegaanka Ceel-Afweyn.

Dhanka kale waxaa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku naf waayay shaqaaqadii deegaankaasi, waxaanu ILLAAHEY uga baryay intii ku dhaawacantay inuu u boogo dhayo.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ciro isaga oo ugu horeyn arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaan tacsi u diraya dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Ceel-Afweyn,, intii dhimatay ILLAAHEY how naxariisto, intii dhimatayna ILLAAHEY caafimaad ha siiyo, dhab ahaantii fool xumo weyn ayay tahay arrintaasi, inay si joogto ah maalin walba u soo noq-noqoto, iyadda oo ay jiraan waayeelkii, iyadda oo ay jiraan gudiyaddi nabada ee loo saaray, iyadda oo ay jiraan ciidamadii Qaranku, ee ugu badnaa ee joogey gobolka in ay dhacdadaasi soo noq-noqoto aad iyo aad ayay u fool xun tahay, waxaan ciidanka ugu baaqaynaa in nabadgeliyadda la adkeeyo, gudiyaddii, culimadii iyo salaadiintiina waxaa aanu ugu baaqayna in si dhakhso ah loo guda gallo, suuragal maaha in arrintu iska taagnaato nabad la’aan iyo colaad, waa in nabadgeliyadda la soo celiyaa, waa in nabadeyntii la bilaabaa, waa in ciidanku nabada xoojiya, waa in nabadda la adkeeya, runtiina Qaranka dhiig bax ayay ku tahay in maalin walba Ceel-Afweyn shaqaaqo ka soo cusboonaato, waxaan ugu baaqaya shacabka inay ILLAAHEY ka baaqaan inay is amaan galiyaan, waa dad walaalo ah oo Ehela, oo Abti iyo Seedi, Adeer iyo Ilmaabti iyo Habrawadaaga weeyi, qof ku faani kara inuu adeerkii ama seedigii ama abtigii dilay fool xumo weyn ayay tahay, waxaan ILLAAHEY ka rajeynayaa in aanay shaqaaqadaasi inagu soo noqon, ciddii nabadgeliyadda khatar ku ahna waa in tallaabo adag laga qaada.”

Dawannews Hargeysa offices

Leave a Reply