“Lacagtii lagu Dayactirayay Biriishyadda Burco oo Madaxweynuhu Saxeexay Baanka dhexe ayay ku Xaniban Tahay 3 Bilood”… Xildhibaan Bidhi

0
455

Burco (Dawan): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi, ayaa sheegay in lacagtii loo qoondeeyay in lagu dayactiro saddexda Biriish ee magaaladda Burco oo roobabkii sanadkan da’ay waxyeeleeyeen ay weli ku xaniban tahay baanka dhexe ee Somaliland.

Xildhibaan Bidhi, waxa uu tilmaamay in lacagtaasi oo dhamayd $500,000 dollar oo markii Biriishyadaasi dumay madaxweyne Muuse Biixi saxeexay aan weli lahaynin, isla markaana muddo saddex bilood ah uu biriijkii u dayacan yahay lacagtaasi.

Mubaarig Yuusuf Cilmi, oo ku magac dheer Bidhi kana tirsan golaha degaanka Burco oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco waxa kaloo uu sheegay in dhibaato weyn ay ku qabaan xidhnaanshiyaha biriishyaasi dadka iyo gaadiidka magaaladda Burco.

Xildhibaan Bidhi, oo ka hadlayay khasaaraha Biriishyadaasi soo gaadhay iyo tallaabadii uu madaxweynaha xiligaas kaga jawaabay waxa uu yidhi “Waxaa jirta in roobab laxaad leh oo sanadkan ka da’ay magaaladda Burco ay dhaawac aad u weyn soo gaadhsiiyeen saddexd Biriish ee magaaladda Burco.

Haba ugu sii daraaddo Biriishka loo yaqaano Deero Biriij. Kadib markii la qiimeeyay kharashka dayactirka labadaas Biriish, isla markiiba madaxweynuhu codsigii bulshadda gobolka Togdheer wuu ka aqbalay. Markiibana wuxuu saxeexay Jeegii lacagta oo ahaa $500,000 dollar, oo ahayd lacagta ay ku kacayeen dhismaha labadda Biriish ee waaweyn, lacagtaasi markiiba way ka soo baxday madaxweynaha”.

Waxaanu intaas ku daray, “Sida nagu maqaalo ah lacagtaasi waxay taalaa baanka dhexe ee Somaliland. Taasoo uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland soo saxeexay, wasaaradda maaliyadu-na isa soo dhaafisay, lacagtaasi weli baanka dhexe ayay ku xaniban tahay.

Iyadoo ay weli taagan tahay dhibaatadda bulshadda Burco ka haysata Biriishka weyn ee Deero Biriij, ee la xidhay, oo runtii maalin walba khasaare ka yimaado. Dhaawac dad haddii ay tahay, iyo gaadiidka haddii ay tahay. Lacagtaasi ilaa hadda namay soo gaadhin, shaqadiina may bilaabmin” ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Waxa kaloo uu sheegay xildhibaan Mubaarig Bidhi, in haddii aan si deg deg ah baanka dhexe u soo daynin lacagtaasi inta ka horaysa 20-ka bishan aan ku jirno in ay bilaabmayaan roobabka Dayrta.

Kuwaasoo laga yaabo in ay keenaan daadad waaweyn oo waxyeelo kale oo intan hadda ka sii balaadhan soo gaadhsiin kara biriishyadaasi. Waxaanu yidhi “20-ka bishan sideedaad ee aan ku jirno, waxaa bilaabmaya roobabkii Dayrta. Roobabkaasi haddii ay bilaabmaa-na, oo ay yimaadaan roobabkii Biriishyadda waxyeeleeyay kuwa la mid ah, labadda Biriishba way dumayaan. Sida injiineeradii dhisay Biriishyadaasi ee aqoonta u lahaa ay noo sheegeen.

Curashadda roobabka Dayrta-na waxba inagama xigaan. 20-ka bishan aan ku jirno roobabkii Dayrta ayaa bilaabmaya. Waxaana loo baahan yahay, ka hor inta aanay bilaabmin roobabkaasi, waxaa loo baahan yahay in labadda kaabadood ee Biriishka qabanaya, waa in la bilaabaa”.

Geesta kale xildhibaan Bidhi, ayaa ka codsaday wasaarradaha ay arrintani khusayso in ay ka hawl galaan, isla markaana xil iska saaraan sidii loo soo fududayn lahaa lacagtaasi baanka dhexe ku xaniban.

Waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa cid kastaa hawshan shaqo ku leh ama wasaarradaha ay khusayso, in ay hawshaas soo fududeeyaan. Mar haddii lacagtii uu madaxweynuhu soo bixiyay. Anagu-na waxaanu diyaar u nahay in aanu idinkala shaqayno”.

Dhinaca kale xildhibaan Bidhi, ayaa ugu baaqay ganacsatadda gobolka Togdheer iyo bulshadaba in ay ka qayb qaataan sidii dayactir loogu samayn lahaa labadaas Biriish ee bur-burku soo gaadhay.

“Waxaan u soo jeedinayaa shacabka gobolka Togdheer, haddii ay tahay ganacsatadda iyo haddii ay tahay gaadiidleyda Basaska ama Bijaajka, nooc walba.

Ka soo qayb qaata idinkuna dayactirka Biriishyadan, oo ficil la yimaadda, oo is abaabula, oo wixii idinkuna qaybtiinii keena” ayuu yidhi xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply