. Michael Rubin oo si Adag ugu Guubaabiyey Maraykanka in uu Wax la Qabsado Somaliland

0
443

Washington (Dawan)- Michael Rubin oo ah Xeel-dheere Millatari iyo khabiir ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u soo jeediyey in aanay ku shaqeynaynin qorshe maangaabnimo ah oo aanay isu dhiibin Siyaasadda Khiyaaliga ah ee Soomaaliya, waxaanu Maraykanka ku boorriyey inay wax la qabsadaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan ka mid ah dalalka ugu nabdoon, uguna dimuqraadisan Afrika.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qormo uu Michael Rubin maanta ku daabacay Shabakadda Washington Examiner oo uu kaga warbixiyey farqiga u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya oo uu sheegay inay ka taliso dhul masaafadiisu aad u yar tahay oo ku yaalla badhtamaha Muqdisho.

Khabiir Michael Rubin wuxuu sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday Somaliland sannadkii 1960kii, ka hor intii JSL aanay la midoobin Soomaaliya oo ay kala kulmeen xasuuq kaligii taliyihii Siyaad Barre ee ka talin jiray Soomaaliya. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay ka baxday midowgii Soomaaliya sannadkii 1991kii, dibna ay ula soo noqotay madax-bannaanideedii, waxaanu ku sifeeyey Somaliland waddan ka mid ah dalalka ugu dimuqraadisan Afrika, isagoo tusaale u soo qaatay inay noqotay dalkii u horreeyey ee doorashada ku galay sawirka laga qaado isha bu’deeda” (biometric iris scans).

Michael Rubin wuxuu xusay in masuuliyiinta Somaliland ay xaqiijiyeen in Shirkadaha Shiinuhu ay doonayaan inay la galaan heshiisyo macdanneed, hase ahaatee Somaliland ay doorbidayso inay la shaqeeyaan Maraykanka iyo dalalka Yurub, kuwaasi oo taageeraya dawladda khiyaaliga ah ee Muqdisho. Waxaanu ku dooday in shirkadaha Maraykanka ay ka baaqsadeen inay heshiisyo gaar ah la galaan Dawladda Somaliland, waxaanu carabka ku dhuftay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku ay iska indho-tirayso xaqiiqada ka jirta Geeska Afrika

Michael Rubin wuxuu sheegay inay Somaliland noqotay meel laga helayo macdanaha naadirka ah ee laga sameeyo qalabka Elektarooniga casriga ah, waxaanu tilmaamay inay leedahay khayraad kala duwan oo xooluhu ka mid yihiin.

Khabiirkaasi wuxuu ka biyo diiday in dawladda Maraykanku lacago badan gelisay Soomaaliya oo aanay ka jirin nabadgelyo, isla markaana 14kii sannadood ee la soo dhaafay ku guulaystay horyaalka Musuqmaasuqa Adduunka, oo si toddobaadle ay uga dhacaan falal argagixiso.

Waxa kaloo uu iftiimiyey in Maraykanku maalgeliyo Soomaaliya oo qandaraasyo badan siisa Shiinaha, waxaanu ku adkaystay in siyaasadda Dawladda Maraykanku aanay ku salaysnayn masaalixda dalkaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply