Xildhibaan Ka Hadlay Qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada Iyo Saamiqaybsiga Ku Raasta

0
488

Hargaysa (Dawan) Xildhibaan Cabdiraxmaan Yusuf Cartan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay Saamiqaysiga ku raasta Golaha Wakiilada ee gobalada dalka.

Cabdiraxmaan Yusuf Cartan oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aanay munaasib ahayn in laysku xidho doorashada Golaha Wakiilada iyo Saamiqaybsiga kuraasta gobalada dalka, waxaana uu intaasi ku daray in loo baahanyahay in ay qabsoonto doorashada Golaha Wakiilada.

“Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxa ay ku fadhiyaan qaabkii 1960 kii wax lagu qaybiyay laakiin wakhti badan ayaa ka soo wareegay in dib loo eego waa loo baahanyahay in Doorashada Golaha Wakiiladu dhacdana waa loo baahanyahay, xili doorashadu soo dhawaatay in arintaa saamiqaybsiga la keeno may ahayn, qaab heshiis lagu yahay oo u cuntamaysa cid walba waa in lagu heshiiyaa, markaa eed ayaa imanaysa odhanaysa marka doorashadu soo dhawaato ayaa xildhibaanadu keenayaan Saamiqaybsiga. taasina ceeb ayay nagu tahay hadaanu nahay xildhibaanada Golaha Wakiilada waa in tirakoob in la sameeeyo wakhti ayaanay qaadanaysaa hadii laysku xidho Saamiqaybsiga iyo Doorashada Golaha Wakiilada ma, qabsoomayso doorashada”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu ayaan darro ku tilmaamay dhibaatooyinka soo noqnoqday ee colaada Ceelafwayn. waxaana uu yidhi. “Waa ayaan darro wayn reer Ceelafwayn oo dhibaatooyin faro badani kala gaadheen oo islahaa imika ayuunbay heshiinayaan in hadan dhibatooyin kale dhacaan, arrin murugo leh weeye in la xalaashado dhiiga dad aan waxba galabsan aad iyo aad ayaan uga xunahay. waxaana aan usoo jeedinayaa dadka reer Ceelafwayn in dagaalka ay joojiyaan oo la soo afjaro arintaa ka socota Ceelafwayn waa mashruuc Somaliland lagu burburinayo weeye”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply