Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Sool Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii Mudadda Uu Xilkaa Hayay iyo Qorshihiisa

0
1061

Laascaanood (Dawan): Isuduwaha wasaarada horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Khaliif Faarax,  ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka hayay oo ku siman afar bilood iyo sidoo kale waxqabadka sanadka cusub u diyaarsan.

Waxaanu sheegay in mudadii uu xilka hayay ay waxyaabo badani u qabsoomaan, kuwaasoo ay ka mid tahay Talaagadda Myadka oo ay cusbitaalka Laascaanood keeneen. Sidoo kale-na uu kormeero kala gedisan ku soo sameeyay guud ahaanba cusbitaaladda iyo MCh-yadda gobolka oo tiradoodu gaadhayso 32 xarumood.

Waxaanu tilmaamay waxyaabaha uu guulaha ka gaadhay ay ka mid tahay in uu gebi ahaanba meesha ka saaray shaqaalaysiinta dadka oo markii hore beelnimo lagu qaadi jiray, balse uu imika ka dhigay in aqoontoodda lagu xusho.

Dr. Maxamuud Khaliif Faarax, oo waxyaabaha u qabsoomay ka warbixinayay waxa uu yidhi “Waxaa shaqadda la ii magacaabay bishii 4aad ee sanadkan 2019. Waxaanan wasaaradaa gobolka masuul uga ahaa mudadaa afarta bilood ah, aniga shakhsi ahaan ka jaawaabay masuuliyada la ii gartay ee wareegtada ah waxqabad ahaan waxaan ka xusi karaa.

Waxaan kormeeray, dawooyinna aan gaadhsiiyay 31 MCH oo gobolku lahaa. Waxaan ku bilaabay socdaal aan ku soo maray dhamaan gobolka Sool, degmooyinkiisa iyo Daabiyadihiisaba.Waxaan xadhiga ka jaray MCH Daabiyada Dalsan laga dhisay oo maamulkii hore diyaarinteeda lahaa hase ahaatee aan hawlgeliyay.

Waxaan gobolka ka bedelay in shaqaalaha wasaarada reernimo lagu soo xusho, iyadoo dhaqan beliyay in aqoontooda lagu soo xusho, imtixaana lagu qaadanayo oo laguna xulanayo. Waxaan bedelay hab-maamulkii shaqaalaha wasaaradda anigoo sameeyay shaqo daadejin ah in qof waliba uu shaqadiisa u madax banaanaado”.

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaan dar-dargeliyay anigoo shaqaalaha-na ku joogtaynaya in la isla xisaabtamo,  shaqada-na la isku ixtiraamo. Waxaan shaqaalaysiiyay muddadaa afarta ta bilood ah 120 shaqaale ah, anigoo u sii daayay hay’adihii ka saacidi lahaa ama ka caawin lahaa gunooyinka.

Waxaan cubitaalka guud keenay talaagadii Maydka,  taasoo ay noogu deeqday shirkada Sahabshiil Company, anagoo uga mahad celinayna ka wasaarad ahaan. Waxaanu hawl-geliyay oo aan u sameeyay 7 kooxood oo caafimaad oo gobolka goobihiisa caafimaadka gaadhsiiya gurmadka daawooyinka iyo baahiyaha kale ee ah adeegyada caafimaad.

Kuwaasoo ah kuwa durugsan ee ku yaalla meelaha fog-fog sida, MCH-ka Xudun, Lafawayne,  Awr-boogays, Kalabaydh,  Xidh-xidh, Yagoori, Ceegaag, Goljano,  Taleex iyo daabiyadaha ku xeeran si ay kooxahaasi  u soo gudbiyaan ugana hawl-galaan markay la soo dersaan baahiyaha  caafimaad.

Anagoo ka hortegayna intii aanu ka daba tegi lahayn, baahiyaha caafimaad ee aanu bulshadda u hayno-na isku deyeyna in aanu qofkiisii ugu tagno goobtiisa, kana dulqaadayna intii karaankayaga daryeelkii ka fogaa ee aanu awoodayn inuu u safro”ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool.

Geesta kale Dr. Maxamuud, waxa uu  xusay in dhamaanba shaqaalahaasi kooxaha ah ee hawl-galadda caafimaadka ka sameeyay degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka ay ku soo baxeen imtixaan laga qaaday.

Taasoo meesha ka saartay qaabkii markii hore shaqaalaha lagu soo xuli jiray ee ahayd beelnimadda. Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhamaan waxaan xusayaa in shaqaalahaasi ay ahaayeen kuwo u tartamay, oo  si cadaalad ahna aanu ugu xulanay aqoontooda, isla markaana aanay ahayn kuwo aanu ku  qaadanay reernimo.

Waxaan kus oo kordhinay gobolka hay’ada MSF  oo ah hay’ad caalamiya, taasoo dhakhtarka ka dhigi doonta mid si fiican u shaqeeya kana dabooli doonta baahiyaha adeegyada caafimaad iyo gunooyinka shaqaalaha, daawooyinka iyo tayaynta aqoonta shaqaalaha”.

Dhinaca kale isu-duwaha caafimaadka ee Sool waxa uu ka waramay waxyaabaha u qorshaysan. “Sidoo kale-na waxaan halkan idinkula wadaagayaa barmaamijyada noo qorshaysan  sanadka cusub, anaga oo la kaashanayna xukuumada dhexe iyo wasaarada caafimaadka ee dalka waaxaheeda, agaasimaheeda guud iyo wasiiradeeda iyo dhamaan hay’adaha ka saacida ee ku garab taagan daboolista iyo wax kala qabashada baahiyaha caafimaadka ee dalka kuwaas oo kala ah.

Horumarin iyo dhamaystirka cusbitaalka guud ee gobolka Sool caasimadiisa Laascaanood, iyada oo la horumarinayo lana casriyaynayo, baahiyaha wejiyadii hore ka baaqdayna la dhamaystirayo. MCH-yada kuwa ku yaala meelaha fog-fog iyo kuwa ku yaala meelaha dhawba in aan adeega ay bixinayaan ka dhigno mid aad u sareeya”ayuu yidhi Dr. Maxamuud.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “In aan caafimaadka gaadhsiino geed walba iyo guri walba. In aanu qaybta TB ee centerka oo naga hoosaysa aanu kor u qaadis ku samayno. In aan dibudhis ku samayno isbitaalka TB da ee centarka. In aan qurxino dhamaan cusbitaalka oo dhigno interlogii dhamaan gudaha cusbitaalka si nadaafadiisa kor loogu qaado.

Waxaa naga go’an in aanu caafimaadka gobolka dib looga caban, anaga oo ka duulayna in aan qof danbe oo reer Sool ah debed loogu qaadin xaalad caafimaad”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply