Xildhibaan Indho Indho oo soo Dhaweeyay Nabada uu Ku Baaqay Madaxweynaha Puntland

0
556

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Cabdillaahi (Indho-indho), oo ka mid ah Golaha Guurtdida ayaa ka hadlay Wada-hadal nabadeed oo uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, Wada-hadalladaas oo uu doonayo in Somaliland uu kala yeesho Muranka xuduudka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Cabdillaahi (Indho-indho) oo shalay la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Nabadgalyada uu ku baaqay ayaanu soo dhaweynaynaa, Cid diidi kartaana ma jirto, Annagu dhinacayaga iyo deegaan ahaan wax kasta oo nabadgalyo lagu helayo diyaar baanu u nahay.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay Puntland kala shaqeeyaan Nabadgalyadooda, maaddaama buu yidhi Colaaddu ku badan tahay dhulkooda “Waxaanu jecelahay inaanu ka wada-shaqayno oo aanu weliba iyaga ka caawino (amniga), Waayo? iyaga dhulkooda Colaaddaa ku badan, Ciidankaygu waa heegan oo iyaga ayuun buu meelahaa ka eeg-eegaa ee sida kale wuu u shaqo la’yahay..” ayuu yidhi, laakiin wuxuu shaki ka muujiye Wada-hadal uu Somaliland ugu baaqay Madaxweynaha Puntland “Ta Wad-hadalka, waxaanu leenahay waxbaa ku jira.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply