Madaxweyne Muuse oo Khudbad u Jeediyay Jaaliyadda Reer Somaliland ee Sucuudiga

0
478

Jidda (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ku sugan dalka boqortooyadda Sucuudiga ayaa khudbad u jeediyay boqolaal ka mida jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalkaasi.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaaladda guud ee dalka oo uu jaaliyadda uga warbixiyay iyo sidoo kale taariikhda ay bulshadda Somaliland ku leedahay dalka Sucuudiga.

Waxaanu madaxweynuhu uga mahad celiyay Sucuudiga sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen weftigiisa. Isagoona jaaliyadda sharaxaad ka siiyay xaaladda guud ee wadanka.

Waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa jaaliyadda reer Somaliland ku dhaqan dalka Sucuudi Carabya iyo taariikhda ay ku leeyihiin dalka Sucuudiga, oo ay tan caawa ka mid tahay iyo taageeradda iyo dal jacaylka”.

“Somaliland waxaa ka jira xaaladeedu way wanaagsan tahay, waxaanan idiinka sidaa in ay nabad tahay, degan tahay, wax waliba sidii loogu tallo galay u shaqaynayaan.

Meel kastoo uu dad joogo khilaaf wuu jiraa. Guriguu ka jiraa, tuuladuu ka jiraa. Laakiin, waxaa loo baahan yahay in khilaafka la yareeyo, oo dadka la mideeyana waa waxa ay dawladu u samaysan tahay.

Dawladda xilkeeduna waxa weeyi in ay dadka isku waddo, oo ay u fikirto, oo ay horumarkoodana ka shaqayso. Iyagana kala ilaaliso, cadowgana ka ilaaliso”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay qiimaha ay nabadgeliyadu u leedahay aadamaha iyo in waajibaadka koowaad ee dawladu u yahay ilaalinta amniga muwaadiniinta.

Madaxweynaha oo qiimaha nabadgeliyadda ka hadlayay waxa uu yidhi “Dawladda waxa uu waajibaad ka saaran yahay in ay dadkeedda cadowga ka ilaaliso, waana waajibka koowaad ee dawladnimadda. Haddii aanu nahay masuuliyiinta xukuumadda xukunka hadda haysa, masuuliyadayadda koowaad waxay tahay xasilinta amniga dalka”.

“Amingu laba ayuu u qaybsamaa, waa gudaha iyo dibadda. Amniga gudaha iyo ka dibadda. Labada-ba waajibaadkoodu wuu na saaran yahay.

Ka gudaha hadba meeshii shaqaaqo ka jirto xooga ayaa la saarayaa, sida ugu macquulsan ayaana loo xalinayaa, iyadoo loo tallo badsanayo, oo dhinacyo badan”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply