Shirka Golaha Dhexe ee UCID oo Dabayaaqadda Bishan Ka Furmaya Burco

0
521

Hargaysa (Dawan): Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Cali Muuse (Jiir), ayaa ka hadlay halka uu marayo u diyaar garawga qabsoomida shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.

Waxaanu sheegay in ay u qorshaysan tahay in shirka golaha dhexe ee xisbiga UCID uu qabsoomo 28-ka bishan, isla markaana uu ka furmi doona magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Maxamuud Cali Muuse, oo shalay Hargaysa kula hadlay qaar ka mida warbaahinta waxa uu sheegay in shirka golaha dhexe ee UCID uu yahay shirkii sannad lahaa, oo sanadkiiba hal mar la qaban jiray.

Waxaanu intaasi ku daray in shirkaasi lagu ansixin doono siyaasiyiin cusub oo ku soo biiray xisbiga UCID. Waxaanu yidhi “Hawshii qaban-qaabada ee shirka golaha dhexe ee xisbiga UCID gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco ayay ka socotaa hawlihii oo dhamina way soo geba gabowday. Hawshu-na way socotaa, Hudheelka Maansoor ee magaaladda Burco ayaanu ka dhici doonaa shirka golaha dhexe ee UCID.

Waxaanu qabsoomi doonaa 28-ka ilaa 29-ka bishan aynu ku jirno. Shirarka golaha dhexe waxaa loogu tallo galay in sannadkiiba hal mar la qabto, waana shirkii sannad laha ahaa”.

“Xisbigu-na wuu xisaab tami doonaa, wixii lagu khasaaray iyo wixii horumar laga sameeyay iyo wixii u baahan in wax laga bedelo, siyaasiyiin iyo madax cusub ayaa soo galay xisbiga, waxyaabahaas oo dhan ayaa hor yaala shirka golaha dhexe ee xisbiga UCID oo laga ansixin doonaa.

Shirkani waxa uu kaga duwan yahay shirarkii hore ee xisbiga UCID qabsan jiray, waxa lagu qabanayaa gobolka Togdheer caasimadiisa Burco”ayuu yidhi xoghayaha golaha dhexe ee UCID.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply