Wasaaradda Isgaadhsiinta oo Daboolka Ka Qaaday Shir-weyne Qaran oo lagaga Hadli Doono Technology-yada

0
473

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolojiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa daboolka ka qaaday shir weyne dhanka Technology-yada oo wasaaradiisa iyo wasaaradda maaliyadu si wada jira ugu qaban doonaan gudaha magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, waxaa uu shirkadaha dhanka isgaadhsiinta iyo cidkasta oo ka shaqeysa arrimaha Technology-ada ugu baaqay inay ka soo qayb gallaan shirkaasi.

Waxaanu tilmaamay in shirkani qabsoomi doono 8 illaa 9 bisha soo socota ee 9aad, shirkaasi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhanka Technology-ada lagaga hadllayo ee lagu qabto Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolojiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa ugu horreyn faah-faahin ka bixiyay shirkani iyo wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono waxaanu yidhi “Wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolojiyaddu Somaliland iyo wasaaradda maaliyaddu waxay ku dhawaaqayaan in bisha sagaalaad in Somaliland lagu qaban doono shir ku saabsa Technolojiyadda casriga ah, kaasi oo la yidhaaho (ICT For Developmen and Powering Secses) shirkaasi oo loogu tallo gallay inay isugu yimaadaan hay’addaha xidhiidhka ka leh dhanka isgaadhsiintu, dhinacyaddaasi oo ah dawladda, iyo shirkadaha iyo hay’addaha fidiya tacliinta sida jaamacadaha iyo hay’addaha kale ee Colajyadda ah, islamarkaana ay ka wada hadlaan sidii Somaliland uga faa’ideysan lahayd isgaadhsiinta casriga ah, bulshooyinkuna waxaa ay ku kala tageen sida ay u isticmaala’aan dhanka isgaadhsiinta”

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolojiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi waxaa uu qodob qodob u dul istaagay ujeedada ugu weyn ee shirkani laga leeyahay waxaanu yidhi “Shirkan waxaa looga dan leeyahay in umadda Somaliland is weydiiso sideen uga faa’ideysan karnaa dhanka isgaadhsiinta, waana markii koobaad ee Somaliland lagu qabto shir noocana oo lagaga hadlayo arrimaha isgaadhsiinta, ujeedada laga leeyahayna waa in laga soo saaro siyaasadd Qaran oo Somaliland ka leedahay dhinaca ICT-ga, waxaa kale oo aanu shirkani ugu tallo galay in lagu horumariyo suuqa isgaadhsiinta oo meelo badan gallaya, dawladduna ay u fududeyso in ka ganacsiga isgaadhsiintu noqdo mid soo jiita bulshadda, waayo dhaqaalaha ugu badan ee Somaliland waxaa uu ku tiirsan yahay xoolaha, beeraha, iwm, waxaanu rabna in qayb weyn ka qaato isgaadhsiintu horumarka dhanka dhaqaalaha, taasina waxaa ay u baahan tahay in la fududeeyo ka ganacsiga isgaadhsiinta, ujeedada saddexaad ee aanu ka leenahay waxaa weeyi in waxbarashada iyo xirfadda isgaadhsiinta kor loo qaado, oo laga bilaabayo fasalka koobaad ilaa inta uu ka shaqo tagayo, sidaasi darteed waxaa aanu ugu baaqayna cidkasta oo daneyneysa dhanka isgaadhsiinta inay shirkaasi ka soo qayb gallaan, waxaana u furan hadii ay sameeyeen cilmi baadhis inay ka soo qayb gallaan, shirkadaha isgaadhsiintu ay ka soo qayb gallaan, aragtida ugu danbeysa ee ay wasaaraddu aaminsan tahay ee dhanka isgaadhsiintu waa in Somaliland noqoto xarun lagu yaqaano in isgaadhsiinta loogu soo hagaago, kana qayb gasho tartanka ka socda Geeska”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply