Taliska Booliska oo Ka Hadlay Xashiishad loo Waday Xabsiga Dhexe oo ay Gacanta ku Dhigeen

0
649

Hargeysa (Dawan) Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen Xashiishad lagu soo qariyay Qaad, taasi oo la doonayay in la galiyo xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxaa uu xusay in kiiskani ay u hayaan laba eedeysane, islamarkaana sharciga la horkeeni doono.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ugu horeyn waxaa uu sharraxay qaabkii ay ugu suuragashay inay qabtaan waxaanu yidhi “18/8/2019 isaga oo ciidanka Boolisku habeen iyo maalinba ku jiraan heegan, kana hawl-galaya, sugayana nabadgeliyada iyo amiga, sidoo kalena la dagaalamaya mukhaadaraadka dhammaan gobolada dalka hawlgalkaasi ka socdo, ciidamada boolisku waxaa ay ku guuleysteen maanta, xidhmooyinka qaadka ee halkan yaalla Xashiishado ayaa ku dhex jiray, kuwaasi oo loogu tallo galay in loo gudbiyo xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, loogana tuuro daarada, kadibna ciidamad amaanka ee roondada sameynayay ayaa gacanta ku soo dhigay”

“Waxaana lagu hayaa laba eedeysane, labadii eedeysanana gacanta ciidanka ayay ku jiraan sharciga ayaana la hor keeni doonaa, sidoo kale laba saldhig oo ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay qabtaan xashiishado daroogooyin Baco lagu soo xidhay oo raashinka Maxaabiista la soo hoos galiyay, tani waa mid aan ku amaanayo ciidamada Booliska, wey ku guuleysteen waana laba ka mida Saldhigyadda ciidamada” ayuu yidhi taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland sareeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply