Golaha Degaanka Burco Oo Awaamiir Ka Soo Saaray Xoolaha Magaaladda Dhex Jooga iyo Qaadleyaasha

0
467

Qore Khadar Cabdi Muuse

Burco (Dawan): Fadhigii saddexaad oo ay yeeshaan golaha degaanka Burco sanadkan 2019-ka waxay ka soo saareen awaamiir ka dhan xoolaha magaaladda gudaheedda jooga iyo Qaadleyaasha.

Shirkaasi oo Khamiistii doraad ka qabsoomay hoolka shirarka dawladda hoose ee magaaladda Burco, waxaa shir-guddoominayay guddoomiyaha golaha degaanka Maxamed Yuusuf Muraad.

Fadhigaasi oo warbaahinta aan loo ogolayn intii uu socday ayaa kadib markii uu soo dhamaaday waxaa weriyeyaasha faahfaahin ka siiyay qodobadii lagaga dooday iyo go’aamadda ka soo baxay maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad iyo xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi, oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Maxaed Yuusuf Muraad, oo sharaxaad ka bixinayay go’aamadii fadhiga ka soo baxay waxa uu yidhi “Golaha degaanka Burco, waxay ansixiyeen in xoolaha magaaladda gudaheedda laba loo kala qaado.

Lo’da sideedaba bishan aan ku jirno wixii ka danbeeya in aan wax Lo’ ah magaaladda gudaheedda lagu arki karin gebi ahaanba, oo dibadda looga saaro.

Arrintaasi xildhibaanadii golaha degaanka ee shirka fadhiyay uma kala hadhin, dhamaantoodba way u codeeyeen.

Adhiga, maadaama oo aan la odhan karin oo tiradiisuna ay badan tahay, dadkuna badiba ay ku tiirsan yihiin Adhiga, isaga-na waxaa goluhu go’aan ku gaadhay in la Daaq geeyo, oo Adhi magaaladda dhex mar-mara, oo hadduu doono hudheeladda iyo makhaayadaha dhex taagan, kaasi in aanu jirin.

Adhiga qofkii haystaa, waa in uu maalintiina Daaq geeyo, habeenkiina soo xeraysto”.

Sidoo kale maayarka Burco waxa uu sheegay in shirkaasi laga soo saaray go’aamo ku socda Qaadleyaasha magaaladda. Waxaanu yidhi “Qaadka, oo dhibaato aad iyo aad u weyn inagu haya, mid dhaqaale iyo mid damiirba in loo sameeyo Xero lagu kaantaroollo, oo markaa laba ay ku baxsato in ay meesha ka baxaan.

Cashuurtii laga qaadayay in xeradda lagaga qaado. Mid labaad-na cidhiidhiga iyo qayladda uu magaaladda dhex marinayo, taasina meesha ay ka baxdo.

Qaadleyaasha waanu u yeedhi doonaa, waanan u sheegi doonaa mudadda aanu doonayno in go’aankaasi uu bilaabmo”.

Dhinaca kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo isna ka warbixiyay go’aamadii ka soo baxay fadhigii golahoodda ee doraad ayaa tilmaamay in go’aamadda shirka ka soo baxay ay dhaqan gal yihiin, isla markaana cidii fulin wayda tallaabo laga qaadi doono.

Waxaanu ugu baaqay hay’adaha leh fulinta go’aamadda ka soo baxay fadhiga golaha degaanka Burco in ay kula xisaabtamaan cidii u hogaansami wayda.

“Maadaama oo aanu nahay golihii degaanka ee magaaladda loo doortay ee ku shuqul lahaa siyaasadii degmadda iyo guud ahaanba wixii awaamiir ah ee degmadda laga fulinayo. Maanta (Khamiistii) waxaanu fadhinay muddo laba saacadood ku siman, go’aamadaas aanu soo saarnay laga bilaabo maanta (doraad) waa dhaqan gal.

Waxaanu ka codsanaynaa hay’adaha dawliga ah ee nala shaqeeya, ee fulinta ah ama golaha degaanka haka tirsanaadaan ama dawladda dhexe haka tirsanaadaane, in ay fuliyaan go’aamadan, oo cidii fulin wayda in aad tallaabo ka qaadaan”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Leave a Reply