Sheekh Dirir oo Booqday Dhismaha Masjidka Nasrudiin kana Dareen Celiyay Habsami u Socodka Dhismaha Masaajidka

0
558

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo kamid ah Culimadda Soomaalida kuwo ugu magaca iyo muuqa dheer ayaa booqday dhismaha Masjidka Nas-rudiin ee ka socda Xaafadda Daami ee Magaaladda Hargeysa.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa aad ugu farxay hab-sami u socodka hawsha dhismaha Masjidkani oo meel wanaagsan mareysa.

Waxaana uu Sheekhu si weyn ugu mahadceliyey dhammaan dadkii ka soo qeyb qaatay qaadhaanka masjidka, sidoo kalena wuxuu sheekhu aad ugu mahadceliyey guddida gacanta ku haysta dhismaha masjidka.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “ILLAAHEY-baa mahad, leh gurigiisi inoo dhadhaweeyay, kaas oo meel wanaagsan inoo maraya idinkuna waad mahadsan tihiin, gudida dhisaysa, cida ka shaqeysa iyo dadkii abaabuleyba, bulshada lacagta soo bixisay ee aadka u dadaalay sida dhakhsaha ah waynu u mahad naqeyna, ILLAAHEY-na uga baryayna inuu xoolahoodii badal kheyr qabana siiyo, wixii loo dhaqaaqana sidaasi ayay u hagaagayaan, waxaad u dhaqaaqday wax kheyr leh siiba guri ILLAAHEY marka halkii markii hore ay taagan tahay iyo maanta aad ayay u kala duwan tahay.”

Sheekh Maxamed Cumar Dirir waxa kale oo uu intaasi ku daray “Mashruucuna sidii loogu tallo galay ayuu u socdaa, dabaqii koowaad ayaa dhawaan la shubayaa, kuwii kalena waa ay daba socdaan, mihiimkuna waxaa uu yahay in dadkii la baxay wixii Masaajidkani ku baxay inay ogaadaan sida ay wax u socdaan markaana waa wax aad loogu farxo, meel aad u saxmad badan oo suuq aad u dad badan oo ajar iyo cibaadadaba laga helayana waa uu ku yaalla oo afarta dhanba guryihiiba soo cidhiidhiyay oo ummad badana waa ay joogtaa”

Leave a Reply