UCID iyo Waddani oo Ku Heshiiyay In ay soo Magacaabaan Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka

0
500

Hargaysa (Dawan)- Xisbiyadda mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa ku heshiiyay in xubnaha komishanka doorashooyinka Wakiiladda iyo goleyaasha degaanka lagu gallo tiradii todobadda ahayd. Kadib kulamo wada tashi oo ay yeesheen hogaanka sare ee labadda xisbi mucaarid, waxaanay isla qaateen in sidoodii hore ay ahaadaan xubnaha komishanka doorashooyinku.

Sidaas darteedna ay labadda xisbi mucaarad soo magacaabaan labadda xubnood ee u metelaya komiishanka cusub ee la filayo in dhawaan la soo xulo. Sida lagu sheegay war ay shalay soo saareen labada xisbi ee UCID iyo Waddani.

Heshiiskan ay wada gaadheen UCID iyo Waddani waxaa u kala saxeexay Eng. Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID, halka xisbiga Waddani uu u saxeexay musharaxa jagadda madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Waxaanay labadda xisbi mucaarad u jeedinayaan madaxweynaha in si wada jir ah looga shaqeeyo lagana qaado wixii caqabo kale ah ee doorashooyinka horyaalla ee ay ugu horeeyaan saami-qaybsiga, meel marinta xeerarka doorashooyinka iyo diyaarinta dhaqaalaha doorashooyinka ku baxaya.

Heshiiskan ay wada saxeexdeen Waddani iyo UCID oo saddex qodob ka koobnaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Shir maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 8-da bisha 9aad ee 2019-ka, ay isugu yimaadeen labadda xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID hogaankoodda sare.

Waxay ku lafo-gureen, kagana arrinsadeen sidii loo sii amba-qaadi lahaa loona xoojin lahaa qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee golaha Wakiiladda iyo goleyaasha degaanka ee jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, iyaga oo ka jawaabaya warqadii madaxweynaha ee summadeedu ahayd JSL/XM/ASX/ 009-361/ 082019 kuna taariikhaysnayd 29-kii August 2019, tixgeliyayna heshiiskii saddexda xisbi qaran ay gaadheen 27-kii July 2019-ka.

Waxay isla qaateen in la magacaabo labadda xubnood ee cusub ee xisbiyadda mucaaridka ku meteli doona komishanka cusub ee doorashooyinka ee bedelaya komishanka wakhtigiisu dhamaanayo.

Si arrintaasi waddada ugu xaadho doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeedii ku qabsoonta.

Iyada oo ay masuuliyadda guud ee doorashooyinka madaxweynaha saaran tahay waxa ay labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani soo jeedinayaan in si wada jir ah looga shaqeeyo lagana qaado wixii caqabo kale ah ee doorashooyinka horyaalla ee ay ugu horeeyaan saami-qaybsiga, meel marinta xeerarka doorashooyinka, iyo diyaarinta dhaqaalaha doorashooyinka ku baxaya”.

 

 

Leave a Reply