Siddeed Ka Mid ah Wakiillada Maraakiibta Berbera oo la Xidhay

0
474

Qore Khadar M .Xaashi

Berbera (Dawan) Siddeed Qof oo ka mid ah shaqaalaha ka hawl-galayey xafiisyada wakiillada Maraakiibta ee magaalada Berbera ayaa Xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay ka dhego adaygeen awaamiir ka soo baxay Xukuumadda, gaar ahaana wasaaradda ganacsiga, sida uu sheegay Isku-duwaha wasaaradda ganacsiga ee gobolka Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi.

Isku-duwaha wasaaradda ganacsiga ee gobolka Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxaan kuu xaqiijinayaa inaanu Saaka soo xidhnay shantii xafiis ee wakiillada Maraakiibta ay ku lahaayeen magaalada Berbera tirada xidhana waa 8 Shaqaalaha”

Sidoo kale, waxaa uu sharraxaad dheeradda ka bixiyay sababta loo xidhay 8-da qof “Maamulayaashi xafiisyadii oo marka shaqadii ku guda jira oo waday inay Baal-mareen sharcigii iyo awaamiirtii dawladda, waxay diideen inay fuliyaan oo way ka dhego-adaygeen Digreetadii wasiirka ganacsiga, kuwaasi ayaanu soo xidhnay oo xafiisyadii jooga.”

 

Leave a Reply