Somaliland oo Dhambaal u Dirtay Dalka Boqortooyda Sucuudiga

0
587

“Dawladda Somaliland waxay garab taagan tahay walaalahooda Sucuudiga weerarkaasna waxaan u aragnaa mid aan la aqbali karin” Wasiir Faratoon

 

 

 

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhambaal taageero ah u dirtay dawladda boqortooyada Sucuudiga, isla markaana ka tacsiyaysay dhibaatadii ka soo gaadhay weerarkii lagu qaaday ceelasha saliidda ee dalkaas.

Wasiirka wasaaradda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Proff: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo waraysi gaar ah khadka taleefanka ku siiyay wargaeyska Dawan, ayaa sheegay in ay dawladda Boqortooyada Sucuudiga u direen dhambaal ay ugaga tacsiyaynayaan dhibaatada iyo qasaaraha ka soo gaadhay weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayni ay ku qaadeen ceelasha saliidda ee dalkaas, isla markaana ay ugu caddeeyeen in ay garab taagan yihiin dawladda iyo dadka Boqortooda Sucuudiga oo ay Somaliland la dareemayso xanuunka ka soo gaadhay weerarkaas.

Waxaanu yidhi. “Dawladda Somaliland waxay cambaaraynaysaa weerarkii argagixiso ee lagu qaaday dalka Boqortooyada Sucuudiga ee lagu bartilmaameedsaday ceelasha saliidda ee dalkaas, waxaanan la damqanaynaa oo aanu garab taagannahay walaalahayo.”

Waxaanu intaa raaciyay waxaanu dawladda Boqortooda Sucuudiga u dirnay dhambaal rasmi ah oo aanu kaga hadlayno halka aanu ka taagannahay weerarkaas oo aanu u si wayn uga xunnahay, Somalilandna way ka soo hor jeedda in la argagax geliyo dalalka iyo dadkaba gaar ahaan dalalka aanu walaalaha iyo saaxiibka nahay ee xidhiidhka soo jireenka ah aanu wadaagno sida boqortooyada Suciidiga oo kale.”

Wasiirka arrimaha debedda Somaliland waxaa uu caddeeyay in Somaliland ay u taagan tahay in caalamku nabad iyo deggenaan uu ku dhisnaado isla markaana ay ka soo hor jeeddo cid kasta oo nabad gelyo darro ku fooggan.

Dhinaca kale dhambaalka dawladda Somaliland ay u dirtay boqortooyada Sucuudiga oo luuqada carabiga ku qornaa isla markaana uu ku saxeexnaa wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Proff: Yaasiim Maxamuud Xiir Faratoon oo aanu soo turjunay ayaa u dhignaa sidan.

“Waxaan la wadaagaynaa walaalahayaga Sacuudiga dareen isku mid ah isla markaana waxaan caddaynyaa mawqifkayaga inaan taageero buuxda la garab taagannahay walaalaha Sucuudiga.

Waxaana aanu ka soo horjeednaa tallaabo kasta oo carqalad ku ah dalalka aan walaalaha nahay oo uu naga dhexeeyo xidhiidh walaaltinmo sida Boqortooyada Sacuudiga.

Weerarkaasi waxaan u aragnaa ficil aan la aqbali karin, waxaanan ka soo horjeednaa argagaxa iyo cabsi gelinta aminiga iyo beegsashada hantidooda.”

 

 

Leave a Reply