Ka Hor tagga Mashaariicda Farmaajeysan ee Lid Ku Ah Qaranimada

0
63

Dad u badan dhallinyaro reer Somaliland ah oo aan wax badan ka ogeyn wixii la soo kala maray dalkii Jamhuuriyadda Somaaliya la baxay oo ka koobnaa dalkii ku hoos jiray maxmiyadda Ingiriiska ee Somaliland (Somaliland Protectorate) ee ka qaatay xorriyaddiisa 26kii June 1960kii iyo dalkii uu gumeysanayey Talyaanigu ( Italian colony ) ee Somaaliya oo iyana Talyaaniga ka qaatay Xorriyaddooda 1dii July 1960, waxa ay leeyihiin wax kastaa inay iska ahaayeen sida ay hadda tahay xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama aan casar iyo duhurba qasab lagu seexin oo weliba aan loo raacin weedhan, [Car juuq dheh, xunyahow xunku dhalay.]

Waxa Taariikhda loo keydiyaa si wixii hore u dhacay uu uga faa’iideysto kii aan hore u joogin ama ka illoobay, si ay isaga ilaaliyaan wixii khaladaad ku jiray, si aanay mar labaad ugu dhicin, geesta kalena uga qaataan wixii faa’iidooyin ahaa ee ay xambaarsaneyd. Waqtiyadii hore ee bani’aadanku aanu habka wax loo keydiyo ama qoraalkuba soo gaadhin, waxa uu jiil walba u gudbin jiray wixii hore u dhacay ka ku xiga, sidaas baa loo xafidayey oo ay u ahayd qori isu dhiib.

Si kale oo fudud haddaan u dhigno, Waalid kastaa ilmihiisa waxa uu uga sheekeeyaa qoys ahaan taariikhdii awoowayaashood oo dhinacyo badan leh, Hadday xag colaadeed, nabadeed iyo nolosha qeybaheeda kale ee kala duwanba, waxanu ugu celcelinayaa marar badan si aanu u illoobin, isla markaana berri ka maalin aanu u duufsan mid kale oo da’diisa ahi oo aanu ka marin habaabin taariikhdii awoowayaashii, uguna yeedhin tu kale oo jeebkiisa ah oo dantiisu ku jirto inuu sidaa ugu dhigo.

Waxa haddaba la yaab leh iyadoo Hargeysa badhtamaheeda laga taagay mid ka mida diyaaradihii dagaalka ee duqeynayey magaalooyinka Somaliland ee ay duuliyayaasha ka ahaayeen qeyb ka mid ah diyaaradahaasi calooshood u shaqeystayaal la soo kireystay oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, in durba ay qaar u badan dhallinyaro iska illoobaan waxaas oo dhan iyo wixii lagu akhriyey intay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland.

Nasiib darro kale waxa ah oo in la xuso ay tahay, in qaar ka mida bulshadeena loo marin-habaabiyey sifayaal kala duwan intay ka degaan Xamar, ay dabadeed markaaba soo dhigaan sawirkooda barta (Face book) ay ku leeyihiin oo ay weliba ku sii hoos qoreen erayo ay ka mid yihiin , ( Waxan hoos hadhsanayaa Calankaan u basaasay) hadda waa kii si Allah iyo aadamaba ogyahay loogu hoos xasuuqay dadka reer Somaliland, laguna burburiyey wixii hanti ahayd ee ay boqolaalka sanno soo tacbeen!!

Sidaa kasoo yeedhay hadday run tahay inay hoos joogaan ayey ahayd Calanka la eedey ee ay sheegeen inay u basaaseen iyagoon horeba u arag qaarkood, balse marka la dhammeystay dantii laga lahaa oo ahayd inay Xamar kasoo aflagaadeeyaan Qaranka iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bannaanka la soo dhigaa oo laga xidhaa albaabadii hore ugu furnaa oo dhan, kadibna insagoo aad moodo inay kaneeco cuntay ayuu haddana usoo cararraa halkay xundhurtiisu taalay [Somaliland] oo uu yidhaa, ( waa lay khalday, qaranka iyo shacbigana in lay saamaxo ayaan weydiisanayaa) dabadeedna sidaa ku xasilaa.

Inkasta oo la saamaxayo sida uu dhigayo sharcigii dembe ee lagu beddelay kii waqtigii Marxuum Maxamad Ibraahin Cigaal ee ahaa, waa dembiile qof kasta oo Xamar taga kana qabta hawl qaran ama u taga si uu halkaa uga soo aflagaadeeyo Qaranka, haddana waxa uu moog yahay shakhsigaa la saamaxay inta qof ee kale ee uu galaaftay hadalkii qadhaadhaa ee uu ku baahiyey baraha warbaahinta bulshada ama uu isaguba u gacan haadiyey ee iyaguna sidaa ku luga’ay.

Haddaba sida muuqata waxa waayahan dembe la innaga soo galay laba meelood oo halis ku ah Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo kala ah Wariyayaasha iyo Warbaahinta oo si koox-koox ah ama keli-keliya looga gacan haadsho Xamar, iyadoo inta badana loogu soo gabbado siminaaro ama ka qeybqaadasho xaflado lagu xusayo munaasabad ka mid ah kuwa laga xuso Soomaaliya, kadibna lagaga dhawaajiyo weedho dhaawacaya quluubta shacbiga, isla markaana waxyeelo ku ah sumcadda iyo karaamada Qaranka.

Sidaa darteed, arrimahani waxay qaran ahaan iyo shacbi ahaanba innooga baahan yihiin, in fiiro gaar ah aan u yeelano, isla markaana dib u eegis lagu sameeyo oo wax laga beddelo qaabka saamaxaadda oo tusaale ahaan lagu daro, qofku waa tegi karaa Xamar, kana soo qabsan karaa wixii dano ah ee uu gaar ah, haseahaatee qofka intuu tego halkaa kasoo aflagaadeeya Qaranka iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ama xil u doontaa maleh saamaxaad.

Tani waa tusaale, balse ujeeddada qormadani waxa ay daarran tahay in lagama maarmaan ay tahay in dib loogu noqdo xeerkii saamaxaadda ee la xidhiidhay tegitaanka iyo xil u doonashada Xamar, si looga hortego in kolba dhexdeena laga qafaasho dad cusub oo hor leh oo fuliya mashruuc Farmaajeysan oo lid ku ah horumarka, nabadda iyo wada jirka shacbigeena.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here