Weedhihii Farxadda Badnaa Ee Murugada Keenay!

0
495

Muddo yar ayaa ka soo wareegtay arooskooda lamaanhan keligood degan guriga, gaadhigooda oo guriga ay hor dhigeen ayaa laga xaday. Iyagoo raadintiisa ku jira ayaa maalintii labaad tuugii xaday isago soo nadiifiyay oo maydhay uu soo dhigay isla guriga hortiisa.

Ninkii Markii uu gaadhiga furay waxba kamay maqnayn, waxaan uu ahaa sidii lagag kaxaystay, laakiin wuxu ka helay warqad ay ku qoran tahay kelmadahan ka kooban: “ Waan ka xumahay aniga ayaa kaxaystay gaadhiga maxaa yeelay gabadhayda oo foolanaysa ayaan ku geeyay Isbitaalka mana haysan gaadhi aan ku qaado.

Hadda waxaan kursiga danbe kuu saaray hadyad adiga iyo xaaskaaga taasi oo ah tigidhkii aad filimka ku gelaysaan caawa iyo xalwadii aad ku cuni lahaydeen. Aad ayaan idiinku mahad celinayaa. Waxaan filayaa inay tahay hadyad u qalanta.

Ninkii wuu ilka cadeeyay waana faraxay, xaaskiisuna waxay ku farxaday weedhaha iyo hadyadda. Habeenki markii ay filimka tegeen waxay soo noqdeen gurigii oo genbi ahaantiiba la xaday iyadoo ay u yaaleen alaabooyin ka qaalisan gaadhiga.   Xirfadaha tuugtu waa kuwo yaab leh. Gaadhiga dhan wuxu uga jeeday inuu guriga xado. Weedhihii farxadda badanaa ayaa noqday kuwo ku danbeeyay inay murugo iyo niyad jab.

 

Leave a Reply