Xal Kasta Mushkulad Ayay Ka Dhex Arkaan!

0
652

Saynisyahankii Jarmalka u dhashay Albert Einstein wuxu ahaa asaasihii qaybo muhiim ah oo cilmiga Fiisigiska casriga ah ka mid ah.

Waxaana aqoontaasi iyo dadaalkaasi lagu siiyay abaal marinta caalmiga ah ee Noble Prize qaybteeda cilmiga. Intii uu baadhista cilmiga sayniska ku jiray waxa uu dhibaato kala kulmay dad badan oo ka soo horjeeday cilmi baadhista kuwaasi oo uu arkyay waxaan suurtagal ahayn inuu ku wareerayo.  Saynis yahankani waxa uu dadka ku soo jiitay iskuna jeclaysiiyay inuu maray jidka ugu muhiimsan ee ah qancinta qofka kaa soo horjeeda.

Sidaa awgeed waxa uu leeyahay xikmado iyo halku-dhegyo uu dadkaasi ku fahansiiyay dadaalkiisa waxaana ka mid ah: “Koritaanka maskaxda aadamigu waxay la bilaabantaa dhalashadiisa, mana joogsato ilaa inta uu ka dhimanayo”. Waxaana uu ujeeda in qofku wakhti kasta u baahan yahay cilmi iyo aqoon si maskaxdiisu  u korto, hawsha uu wadanaa ay tahay korinta maskaxda.

Waxa kale oo weedhihiisa ka mid ah “ iska jir dadka dhanka khariban wax ka arkaya, maxaa yeelay xal kasta waxay ka dhex arkaan mushkulad”Waxaana fiican inaad wanaagga u samayso inaad noqoto qof wanaagsan.

Leave a Reply