Boorama: Saddex Carruur ah oo Ku Geeriyooday Guri Gubtay

0
702

“Carruunta hooyadood suuqa ayay wax ku iibisaa ubadkana guriga ayay ku sii xidhay, waa masiibo naxdin badan baadhistiina waanu wadnaa” Taliye Guutaale

 

 

Qore Faysal Xiis Afgaab

Boorama (Dawan):- Saddex Carruur ah ayaa ku geeriyooday guri sandaqad ah oo shalay ku gubtay xaafadda Jarka ee magaalada Boorama ka dib markii guriga oo carruurta oo keliyi ay joogeen isla markaana lagu sii xidhay uu gabi ahaanba gubtay oo uu shuf belay.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal Gaashaanle Dhexe Axmed Maxamed Guutaale oo dhacdadaa naxdinta badan uga warramay wargeyska Dawan, ayaa sheegay in carruurta geeriyootay oo ahaa saddex gabdhood oo aad u yar yar isla markaana ilmaha ugu wayni uu ahaa 6 jir ka ugu yarina uu ahaa sannad iyo badh jir.

Waxaanu intaa raaciyay in carruurta guriga lagu sii xidhay oo hooyadood kaga tagtay.

Taliyeguutaale oo ugu horrayn tacsi u diray qoyska carruurtu ka geeriyootay,ayaa yidhi. “waa qaddar masiibadaana qoyska ay ku dhacday waan uga tacsiyaynayaa waxaanan ALLE uga baryayaa in uu Samir iyo IImaan ka siiyo oo cawil naq khayr qaba uu ugu bedelo,gurigu jiingad ayuu ahaa waxaana lagaga tegay saddex carruur ah oo aad u yar yar oo  hablo ah oo ta ugu wayni ay tahay lix jir ta ugu yarina ay tahay laba sano illaa sannad iyo badh jir iyo mid u dhaxaysa,carruurta oo keliya ayaa guriga lagu sii xidhay, hooyadoodna suuqa ayay ka shaqaysaa oo ay wax ku iibisaa markaa guriga ayaaku gubtay oo shuf belay carruurtuna halkaas ayay ku geeriyoodeen.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay in baadhitaankii u socdo oo sababta shilkaa dabka keentay ay gacanta ku hayaan ciidanka boolisku. “sababtii dabka keentay wali baadhitaankii ayaa socda oo kama sii hordhacayo dabku in uu dibedda laakiin imika waxaan kuu sheegayaa in gurigaasi dhammaantii shuf belay isla markaana saddex carruur ahina ay ku geeriyoodeen baadhistiina ay noo socoto.”ayuu yidhi taliyaha qaybta gobolka Awdal Gaashaanle dhexe Axmed Maxamed Guutaale.

 

 

 

Leave a Reply