Xukuumadda oo Tirakoob Rasmi ah ku Samaynaysa Ilaha Biyaha Dalka

0
394

Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo Goboladda Somaliland u kala Dirtay Kooxo Baadhaya Ilaha Biyaha Dalka

 

 

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriaydda Somaliland mudane Saldeebaan Yuusuf Cali Koore ayaa gobolada dalka u kala diray kooxo soo tiri koobi doona Ilaha Biyaha Qaranku leeyahay.

Kooxahani la diray ayaa isticmaalaya agab u sahlaya baadhista biyaha iyo cabirkooda, waxaanu wasiirku gudoomiyayaasha gobolada, maayiradda, iyo taliyayaasha ka codsaday inay la shaqeeyaan kooxahaasi ay soo dirtay wasaaraddu.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa aynu maanta halkan isugu nimid inaynu iclaamino sida biyaha dalka oo dhan loo tirinayo, oo ah tirikoobka ilaha biyaha ee Qaranku leeyahay, iyo nooca biyaha iyadda oo loo isticmaali doono qalab, ku haboon oo ay dadku ku ogaanayaan iyo inta biyaha awoodoodu tahay”

Sidoo kale wasiir Koore waxaa uu sharaxay nooca qalabka loo adeegsan doono tira koobista Ilaha Biyaha Qaranka Somaliland leeyahay waxaanu yidhi “Waxaa hada i horyaala qalab la yidhaaho Ec-mitir, oo cabiraya biyaha noocooda iyo sida ay yihiin, inay yihiin kuwa la cabi karo iyo kuwa u baahan in la sifeeyo, iyo kuwa xooluhu cabi karaan marka loo eego dhaqankeena, waxaa kale oo aan halkan ku heynaa GBS-kii, Camera GBS iyo qalabkan keydinaya xogta rasmiga ah ee Biyaha, waxaanu dooneyna in aanu ogaano xogta Ceelka goobta uu ku yaalo, deegaanka uu ku yaallo, in aanu ogaano Ceelka gudihiisa, halkan bahal D-mitir la yidhaaho ayaa i agyaala, oo Ceelka gudihiisa inta biyuhu jiraan ama Heer-kulka biyaha ayuu ogaanaya, waxaana ka shaqeyn doonta wasaaradda biyaha, oo ay kooxo u kala bixi doonaan goboladda dalka”

“Waxaan gudoomiyayaasha goboladda, taliyayaasha qaybaha, maayeradda gobolada dhammaantood waxaan ka codsaneynaa inay gacan ka siiyaan tirinta biyaha Qaranku leeyahay, waxaanu qolada wasaaradda ee hawshani qabaneysa aanu ka codsaneyna inay si mutadawacnimo oo aqooni ku dheehan tahay inay uga shaqeeyaan, karti iyo hufnaani ku dheehan tahay, in marka aynu hawshani dhameyno aynu ka jawaabi karno baahida tuulo kasta iyo deegaankasta ee reer Somaliland ee qof ku nool yahay, meelaha hada lloo kala baxayo waxaa ka mida, gobolada Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil iyo Maroodijeex, anaga oo tixraaceyna buugi xisbiga KULMIYE ku galay doorashada inaynu helo tirikoob saxa oo biyaha Qaranku leeyahay” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

 

Leave a Reply