Dawladda oo ka Joojisay Sheekh Kulan Lacag Lagu Gelayay ku Qabanayay Hargeysa

0
532

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):-  Xukuumadda Somaliland  ayaa ka joojisay Sheekh qurbe joog ah oo caasimadda Hargeysa ku qaban lahaa kulan lacag lagu gelayay.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa xaqiijiyey in dawlad ahaan ay joojiyeen tababbar ciwaankiisu ahaa  ‘Farxadda  Lamaanaha’  is-qaba, kaas oo Sheekh Maxamed Idiris doonayey inuu ku qabto Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed  Cabdi, waxaa uu caddeeyay in xukuumaddu aanay joojin muxaadaro diini ah oo Sheekhu qabanayay laakiin ay joojiyeen tababr lacag lagu gelayay oo aan wax fasax ah ka haysan dawladda.

Waxaanu intaa raaciyay in Somaliland markii ugu horraysay ay tahay in qof yidhaahdo tababr ayaan qabanayaa oo lacag ayaa lagu gelaya.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex oo arrintaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Ma Jirto wax Muxaadaro ah oo aanu joojinay, laakiin wax loogu yeedhay tababbar ayaan joojinay, kaas oo la soo dhigey baraha bulshadu ku xidhiidho ee Faceboog-yada. tababaro aanay dawladdu ogeyna in laga furo magaalada ma habboona, qofka doonaya inuu cid tababar u furaana waa in uu soo maraa laamaha dawladda, tababar lacag lagu gelayo,  muxaadarooyinkana masaajidada ayaa laga jeediyaa laamaha amaankana may soo marin, wax ogolaanshiyo ah oo ay dawladda ka heystaana ma jirto, qof yidhaaha tababar ayaan dad siinaya tigidhana waa loo soo goosanayaa, wadankeena hore ugamey dhicin”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay. “Wadaadkuna waa mid ka mid ah culimadda afka Soomaaliga ku hadasha, hadduu Masaajidada Muxaadarada ka jeedinayo cid u diideysaa ma jirto”

Waxaanu caddeeyay guddoomiyaha gobolka Maroodijeex in aanay suuragal ahayn in Somaliland ay kulamo ku qabtaan cid kasta oo ka soo horjeedda qadiyadda madaxbannaanida qaranka Somaliland meelkasta ha ka yimaadaane, waxaanu yidhi. “Cid kasta oo qadiyadda Somaliland ka soo horjeeda ma aqbaleyno inay halkan tababarro ka furaan, iyo inay kulammo ku qabtaan” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.

Hadaba arrinta tababarkan ayaa aheyd mid lagu  baahiyay baraha bulshadu ku xidhiidho waxaaney u dhigenyd sidan ‘Tababar cilmiyeedkan guurka ku saabsan waxaad ku qaadan doontaa, sidaad u dooran laheyd lamaanahaaga nolosha, maxay tahay astaamaha lamaanaha aan la ilaawi karin, sideed u xalin laheyd khilaafaadka dhexdiina yimaada’.

Tababarkan ayaa ahaa mid lagu qabanlahaa Huteel Damal ee magaalada Hargeysa, isaga oo lagu galayay qadar lacageed oo dhan toban dollar, waxaanay ahayd markii ugu horraysay ee Sheekh yidhaahdo tababar aqooneed lacag lagu gelayo ayaan qabanayaa iyadoo culimada looga baran  in ay qabtaan kulamo lacag lagu gelayo isla markaana wixii dadka nasteexadiisa ay kaga hadlayaan ee muxaadarooyin ah ay ku qabtaan Masaajiida magaalada isla markaana aanay hore dalka uga dhicin kulan aqoomeed diini ah oo tigidh lacag ah loo goosto.

 

Leave a Reply