Golaha Guurtidda oo Guddi u Saaray ka Soo Talo Bixinta Xaaladda Nabadgeliyo

0
370

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa guddi u saaray  ka soo Talo-bixinta arrinta nabad-geliyada dalka gaar ahaan gobollada Awdal, Selel iyo Sanaag kaas oo lagaga dooday fadhigii shalay ee golahaasi.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu u saaray guddi ka kooban Lix xubnood oo ah guddoomiyeyaasha guddi hoosaasyada golaha guurtida, iyo xoghayaha guud ee golaaas inay , ka soo talo bixiyaan  xaaladaha nabadgelyo ee gobolada Bariga iyo Galbeedka iyo sidii loo gelilahaa.

Gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxaa uu yidhi “Goboladda la til-tilmaamayo ee Bari iyo Galbeed xogheynta iyo guddoomiyayaasha bal arrintaasi soo ururinteeda isugu taga wixii talo ah ee aad kala soo bixi kartaana soo jeediya, oo yeynaan kalfadhiga la sugin ku soo dhakhsadaa maalintaasi maalinteeda waa ay idinku filan tahay, todobada cisho haku timaado”

Xildhibaan Cawil Dawiil oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa isaguna ka qaby qaatay doodaasi, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlayay  “Muddo badan ayaa Bariga dhibaatadu ka taagneyd oo qayladu soo yeedhaysay dad badan oo Guurti leh, oo Culimo lihina, ay tageen wuxuna haddii ay fulin ama xoog waayaan waxba ma qabtaan, xukuumadda waxaa looga baahan yahay in qorshe cad ay ka yeelato gobolka Sanaag awood millateri ayaa loo baahan yahay oo guutooyin ciidana la dejiyo wixii wax dillana la dilo, go’aanada dadkani hawlahooda laga soo saarayna haddii aanay fuleyn Guurtidu waxba kama qaban kareyso, oo go’aamadda ay guurtidda iyo  culimada labada beelood ay gaadhaan inay fulaan”

 

Leave a Reply