Xoghayihii Dhaqanka ee Xisbiga Waddani oo Is Casiley

0
367

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xoghayihii dhaqanka iyo Hiddaha ee Xisbiga Mucaarad ah ee Waddani Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe, ayaa iska casilay xilkii iyo xubinadii Golaha dhexe uu ka hayay Xisbigaas.

Cabdi Guuleed Gaboobe oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in uu ka baxay gabi ahaanba Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, isla markaana uu ku biiri doono isaga iyo Taageerayaashiisu Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

Cabdi Guuleed Gaboobe oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan ka tirsanaa oo aan ka mid ahaa Xisbiga WADDANI illaa aasaasayaashiisii ayaan xubin ka ahaa Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, waxaan ahaa Xoghayihii Dhaqanka iyo Hidaha, waxaana aan doonayaa in aan cadeeyo Maanta (Shalay) in aan iska casilay xilkii aan ka hayay Xisbiga WADDANI Xubinimadiisii Golaha dhexe iyo Xoghayhiii dhaqanka iyo Hidaha”.

Cabdi Guuleed Gaboobe ayaa waxa uu sheegay in isaga iyo Taageerayaashiisu ay ku biiri doonaan Xisbiga UCID. Waxaana uu yidhi “Waxa aan u digo rogtay aniga iyo taageerayaashaydii oo aanu ku biiri doonaa Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaana aan iska diiday in aan naftayda lugooyo oo aan fadhiisto Shirka Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ee lagu qabanayo magaalada Burco, waxaana aan go’aan saday inta aanu shirka Golaha dhexe dhicin in aan iska casilo Xisbiga WADDANI meeshana hadaad talo ku yeelan waydo sii joogi maysid”.

 

Leave a Reply