Xuska Sannad Guurada Ciidamada Ilaalada Xeebaha lagu Qabtay Berbera

0
1083

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Xuska Sannad guurada 24-aad ee aasaaska Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa shalay lagu qabtay Taliska guud ee Ciidankaasi ee magaalada Berbera ee Xarunta gobalka Saaxil.

Munaasibadan lagu xusayay Aasaaska Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Cabdirisaaq Cali Cabdi, Wasiirka Macdanta iyo Tamatarta Jaamac Xaaji Maxamuud, Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Admiral Maxamed Xuseen Faarax Xiirane, Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan Cidin iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral maxamed Faarax Xuseen Xiirane, oo munaasibaddaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen Ciidamada Ilaalada Xeebaha. Waxaana uu yidhi “Amaanka ka jira Xeebaha Somaliland waxa u sababa dhaqansamida shacabka Somaliland ee ka hufan foolxumada, waxaanay ku taamayeen Xukuumadihii kala duwanaa in ay awood yeeshaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha, taas oo Illaahay nagu guuleeyay, waxa lagu bilaabay Aasaaska ciidamada Ilaalada Xeebaha 60 askari, waana sii kordheen. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ay ku dadaalaysaa sidii Ciidamada Ilaalada Xeebaha loo qalabayn lahaa, waxaana loo keenay ilaa 6 doonyood marka laga reebo saddex doonyoood oo casriya”.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa waxa uu ku amaanay Ciidamada Ilaadada Xeebaha sida ay uga sifeeyeen Xeebaha dalka Somaliland Kalluumaysigii Sharcidardada ahaa. waxaana uu yidhi “Ciidamada Ilaadada Xeebaha ee Maanta aynu u dabaal dagayno 24 guuradii Aasaaskooda, maalinba cidbaa wax ku sii kordhinaysay Somaliland, waana qori isku dhiib, waxaana Wasaarada Kalluumaysiga iyo Ciidamada Ilaadada Xeebaha ku hambalyaynayaa sida ay uga Sifeeyeen kalluumaysigii qayral sharciga ahaa xeebaha dalka Somaliland, wax budhcad badeeda oo ka dhacay ma jiraan Xeebaha Somaliland, waxaana taas suuragaliyay Ciidamada Ilaalada Xeebaha”.

Sidoo kale waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, WAsiirka Macdanta iyo Tamarta Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, Wasiirka Cadaalada Cabdirisaaq Cali Cabdi iyo Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan Cidin, kuwaasi oo dhammaantood ku ammaanay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland qiimaha ay ugu fadhiyaan dalka iyo sida loogu baahanyahay in la horumariyo.

 

 

 

Leave a Reply