Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo Dhaliilo Culus u Jeediyay Prof. Cali Khaliif

0
863

Qore Khadar M. Xaashi

Boorama (Dawan) Siyaasi Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa dhaliilo u jeediyay Pro. Cali Khaliif Galeydh, isla markaana ugu baaqay inuu ku biiro mid ka mida saddexda xisbi Qaran ee dalka ka jira. mar haddii uu saxadda siyaasada Somaliland ku noqday.

Siyaasi Cabdinaasir waxaa uu sidan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Cabdinasir Muxumed Xasan (Buuni) isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Cali Khaliif waxa maanta kuu bannaani waxaa weeye, Saaxada siyaasadda Somaliland haddii aad ku soo noqotay, iyada Somaliland abuuratay jawi ah qof kasta oo siyaasiya iyo nin kasta oo doonaya inuu siyaasad soo bandhigo iyo nin kasta oo doonaya sida ay isaga wax ula muuqdaan in uu umadda u sheego. asxaab Qaran ayaa loo sameeyay, saddexda xisbi Qaran ee maanta dalka ka jira midkood inaad gasho ayaan kuu soo jeedinlaha, waxan kale oo dhan iskaga bax, saddexda xisbi Qaran ee maanta Somaliland ka jira mid ka mida gal, siyaasada aad maanta waddo ee aad dooneyso in aad bulshaddaada ku matasho ee aad Qaranka Somaliland dooneysid in aad ku matasho halkaasi ku soo bandhig.”

Cabdinasir Muxumed Xasan (Buuni), isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyay “Nimanka Cali Khaliif isaga oo Khatumo State ah ku soo casuumay shirkoodi waxaan leeyahay Somaliland saddex xisbi Qaran ayay leedahay ee malaha afar xisbi, madaxweynena laguuguma yeedhi karo waxaasi oo dhammina waa dibindaabyo, iyo dalka waxyaabaha wax u dhimaya ayay qayb ka tahay, Caliyow Somaliland oday ahaan ayaanu kuu ixtiraameynay laakiin dib kuugu ixtiraamimeyno, waxaanad ogaata in aanay Somaliland maanta u baahneyn wax turaanturo ah, waayo tacab badan ayaa galay, ee hadii aanad ku qanacsaneyn meel aad ku qanceyso tag, adigu in aad tidhaaho meel dheer ayaa Somaliland laga doon dooni maahe, meesha aad adigu dooneyso tag, Somalilandna maaha in aad maalin walba u hanjabto”

 

Leave a Reply