Wasaaradda Qorshaynta oo Qodobo ka soo Saartay Shirka Yoolasha Horumarka

0
522

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Shir lagaga doodday sidii loo dejin lahaa Yoolal wax lagaga qabanayo hiigsiga iyo horumarka Qaranka, isla markaana ay soo qabanqaabisay wasaarrada Qorshaynta Qaranka oo kaashanaysa hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee la shaqeeya  oo socday mudo laba cisho ah ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 10 qodob.

Shirkan oo furitaankiisii ay ka qayb galeen wasiirrada wasaaraddaha bixiya adeegyada aasaasiga ah, kana jeediyeen warbixino la xidhiidha heerka baahiyaha ka jira dalka iyo hanaanka lagu abuuri karo qorsheyaasha yoolka mustaqbalka ee lagaga gudbi karo caqabadaha qaran, ayaa gunnaanadkiisii waxa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban toban qodob.

War-murtiyeedkan tobanka qodoba oo soo gaadhay xafiiska warqabadka wargeyska Dawan ayaa si mug leh u sharaxay muhiimada uu shirkani leeyahay iyo talaabada laga unkayo ee dhinaca horumarka waxaanu u dhignaa sidan.

1 Wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Qaranku iyadda oo kaashaneysa daneeyayaasha kala duwan waxaa ay markii u heysay qabatay, ‘Shirweynaha Yoolasha Horumarka Waara’ 26 ilaa 26-kii bishi September 2019.

Shirweynuhu waxaa uu daarana sidii leysugu keeni lahaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada si loo sameeyo isbadel togan iyo hirgelinta ‘Yoolasha Horumarka Waara’ kaas oo ku saleysan isla xisaabtan.

Shirweynaha waxaa loogu tallo galey inuu noqdo madal bayaamiyo islamarkaana leysku waydaarsado aqoonta iyo xirfadaha si loo fududeeyo hirgalinta ‘Yoola Horumarka Waara’ iyadda oo leys weydaarsanayo Dood-cilmiyeedyo iyo warbixino laga jeediyay shirweynaha.

Halku dhiga sanadkan wuxu ahaa ‘Sameynta Isbadel Aan Rabno’ si loo gaadho Yoolasha Horumarka Waara, kaasi oo la jaanqaadaya Hiigsiga Qaranka ee 2030-ka oo ah ‘Dal degan, barwaaqo ah, dadkiisuna ku nool yihiin nolol fiican, oo tayo leh.

2 Dawlada Somaliland waxay mar labaad xaqiijisay inay ka go’an tahay hirgalinta ‘Yoolasha Horumarka Waara’ iyada oo aaminsan in ‘Yoolasha Horumarka Waara’ ay aasaas u yihiin maamul wanaaga iyo koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.

Waxaanu garwaaqsaday in Dimuquraadiyada, horumarka xuquuqal iisaanka nabada iyo xasiloonidu aanay kala maarmin.

Waxaa naga go’an in la dhiso bulsho xasiloon islamarkaana ka qayb qaadata horumarka waara, heshana cadaaladd loo siman yahay iyo dhisida hay’addo karti leh oo lala xisaabtami karro.

Si kastaba ha ahaate aqoonsi la’aanta caalamiga ah ee Somaliland waxaa laga yaaba inay Somaliland ka hor istaagto hellitaanka maalgashi caalami ah.

3 Shirkani waxaa uu aqoonsaday mihiimada ay leedahay kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay si uu qayb uga ahaado maalgelinta mashaariicda horumarinta.

Ganacsiga gaarka loo leeyahay waa taayirka dhaqaajiya koboca dhaqaalaha, shaqo abuurka, taabo gelinta qani’nimada iyo kobcinta dakhliga dawliga ah, ee laga helo dakhliga cashuurta.

Shirku waxaa uu aqoonsaday in markasta oo kheyraadka dalka si fiican loo abaabulo loona maamulo ay suuragal tahay sidii loo gaadhilahaa Yoolasha la hiigsano, maada soo jiidashada maalgashiga horumarintu mihiim u u yahay ka midho dhalinta Yoolasha, waxaana horumarka waara ee dawladda Somaliland ka go’an inay abuurto jawi ku haboon maalgashiga.

4 Si loogu guuleysto fulinta Yoolashan loona dhexgeliyo qorshaha horumarinta Qaranka iyo siyaasada, iyo mudanaanaha ka farcama iyo qorsheyaasha istaraatiijiyadeed ee dawliga ah, waxaaney dawlada Somaliland mar labaad xaqiijineys in dhammaan qorsheyaasha dawliga ah ku saleysan yihiin ‘Yoolasha Horumarka Waara’ islamarkaana ay ka go’an tahay dawlada sidii loo deegaameyn lahaa ‘Yoolasha Horumarka Waara’ heer gobol iyo heer degmo.

5 Si loo fududeeyo ‘Yoolasha Horumarka Waara’ shirku waxaa uu soo jeedinaya in la sameeyo qaab dhismeed heer Qaran ah oo ay qayb ka yihiin daneeyayaasha kala duwan.

6 Dawlada Somaliland waxaa ay cadeysay in ay ‘Yoolasha Horumarka Waara’ dhexgeliso xidhiidhinta horumarinta ee heer Qaran, iyo haykalka dawliga ah si loo deegaameeyo fulinta Yoolashan.

7 Dawlada Somaliland waxaa ka go’an in hay’addaha Qaranka la fahamsiiyo ‘Yoolasha Horumar Waara’ si hormood dawladu uga noqoto wacyigelinta iyo jiheynta bulshada ee ku saabsan deegaameynta ama fulinta Yoolasha Horumarka Waara.

8 Wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Qaranku waxay balanqaaday inay joogtayso qabashada shirkan sanadkiiba hal mar sii loo qiimeeyo horumar laga sameeyo fulinta Yoolasha iyo ku soo bandhigista warbixin sanad-le ah.

9 Shirku waxaa uu u mahad celineyaa qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah oo ay ka mid yihiin wadamada bixiya qaadhaanka sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) taasi oo suuragelisa ka midho dhalinta ‘Yoolasha Horumarka Waara’ isaga oo shirku ugu baaqaya qaadhaan bixiyayaasha kale inay qayb ka noqdaan taageerida qorshahan, si looga dhabeeyo halku dhigii ahaa ‘Yaan Cidna Laga Tagin’ ee lafdhabta u ah ajandaha sanadka 2030-ka.

10 Ugu danbeyn wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta Qaranku waxay u mahad naqeysa dhammaan daneeyayaasha iyo gudidii qaban qaabada shirweynaha ee kala socday, daneeyayaasha kala duwan kala duwan ee ‘Yoolasha Horumar Waara’.

 

Leave a Reply