Guddoomiyaha Gobalka Saraar oo Digniin u Diray Dhuxulaysatada

0
416

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Saraar Axmed Maxamed Xaashi ayaa uga digay dadweynaha ku dhaqan Deegaamada gobalkaasi in ay ka feejignaadaan dhirta qoyan ee ay shidayaan.

Axmed Maxamed Xaashi oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dadka qaarkood ay caadaysteen in ay shidaan dhirta qoyan, waxaana uu intaasi ku daray in xabsiga ay u taxaabi doonaan Baabuurkii lagu qabto isagoo sida dhuxusha dalka dibadiisa loo dhoofinayo.

Axmed Maxamed Xaashi oo arrimajhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dadka qaaarkood waxay caadaysteen in dhirta qoyan ay shidaan oo ay dhuxul ka dhigaan, dabeetana dibadaha loo dhoofiyo, taas oo xaalufinta Deegaanka qayb ka ah, waxaana aan doonayaa in aan farriin u diro dadweynaha ku dhaqan gobalka Saraar in nin kasta oo lagu qabto isagoo shidaya geed qoyan xabsiga ayaa loo taxaabayaa oo xadhig ayuu mutaysan doonaa.”

Guddoomiyaha gobolka Saraar isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaasi ku daray “Baabuurka lagu qabto isaga oo sida dhuxushu waanu xidhaynaa, waa kala duwan tahay, ta jirtaana waata la dhoofinayo ee wadanka ka baxaysa, sidaa daraadeed waana aanu wadaynayaa la dagaalanka dhuxusha inta aanu ku joojinayno shidida dhuxusha”.

 

 

Leave a Reply