Tog Wajaale: Agaasimaha Wasaaradda Biyaha Oo Dhagax Dhigay Biyo Balaadhinta Magaaladda

0
520

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaaradda Biyaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa shalay ka dhagax dhigay magaaladda Wajaale afar kaalmaha biyaha laga cabo ah(Kiosks) oo cusub oo lagu kordhinayo kayka biyaha Wajaale.

Waxaana munaasibadda dhagax dhiga ku wehelinayay agaasimaha guud masuuliyiinta degmadda Wajaale iyo madax kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha oo hadal ka jeediyay goobtii dhagax dhiga ayaa sheegay in markii hore ay magaaladda Wajaale biyaha ka heli jirtay shan kaalmood, balse ay ku kordhinayaan afar kale.

Waxa kaloo uu agaasimuhu sheegay in ay dhisayaan guryo ay degi doonto wakaaladda biyaha Wajaale oo imika ku shaqaysa guryo kirro ah.

Isagoo arrimahaas faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Maanta (shalay) halkan waxaanu u joognaa, in aan ka dhagax dhigno, kuna kordhino mashruucii hore ee biyo gelinta Wajaale, oo markii hore ahaa shan kaalmood. Waxaanan imika ku kordhinaynaa afar kaloo cusub.

Si dhamaanba dadka reer Wajaale biyuhu u wada gaadhi lahaayeen. Waxa kaloo aan halkan ka samayn doonaa xafiiskii ay wakaaladda biyaha Wajaale ku shaqayn lahayd.

Maadamaa oo ay hore wakaaladu ugu jirtay xafiisyo kirro ah. Waxaanan doonaynaa in wixii hadda ka danbeeya ay wakaaladda biyaha Wajaale ay cagaheedda isku taagto”.

Geesta kale agaasimaha guud ee wsasaaradda horumarinta biyaha Somaliland waxa uu sheegay in guud ahaanba wasaaraddu ay mashaariic biyo balaadhin ah ka waddo goboladda dalkoo dhan.

Waxaanu yidhi “Wasaaradda horumarinta caafimaadku dedaal ayay ku jirtaa. Sidii dadka reer Somaliland guud ahaanba meel walboo ay joogaan dalka in ay helaan biyo ku filan.

Waxaanay wasaaradu wadaa mashaariic kala duwan oo dhinaca biyaha ah, oo ay ka waddo goboladda jamhuuriyadda Somaliland oo dhan”.

 

Leave a Reply