Wasiirka Beeraha oo ka Hadlay Qaabka lagula Dagaalami Karo Ayax Ku Habsaday Deegaano Somaliland ah

0
505

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha mudane Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay qorshaha ay ku wajahayaan Ayax ku habsaday qaybo ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaanu sheegay hadda inay wadaan qorshe lagula dagaalamayo oo ah Haamo lagu shubay Daawooyin dabiiciya in gaadiid la saaro oo lagu buufiyo.

Waxaa kale oo uu xusay in ay bulshadooda la dareenyihiin, islamarkaana ay la qaybsanayaan dhibaatada uu ka soo gaadhsiiyo dhanka wax-soo-saarka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha mudane Axmed Muumin Seed isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dhab ahaantii Ayaxu waxaa uu nagu bilaabmay 21/6/2019 waxaanu innagaga yimi dhanka dalka Yemen illaa imika kolba dhinac ayuu nagaga imanayay, Ayaxu waa wax dhibtiisu aad u weyn tahay marka wax-soo-saarka waddanka loo eego, wakhtigii uu yimina waxaanu xidhiidh toos ah la sameynay hay’addaha aanu wada shaqeynta leenahay”

Wasiir Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray“Ayaxu hadda waxaa uu ku badan yahay gobolka Saaxil Barigiiisa saaka waxaa na loogu soo sheegay Sanaag iyo Sool, Saylac, Caasha Cado iyo Ceel Gaal, marka hadda waxaa aaanu la tacaalayna qaabkee ayaynu ula dagaalameyna, Ayaxu waa laba nooc mid waa mid guurguura halkuu degana Ukun ayuu kaga taga, imika markii aanu aad u wada hadalney hay’addihii aanu wada shaqeynta dhaw laheyn in la keeno Haamo baabuurta la saaro, deetana dawo dabiiciya lagu sameeyo isaga iyo cayayaanka yar yar mooyaane aanay deegaanka waxba u dhimeynin , biyihii aanay waxba u dhimeyn, dadka aanay waxba u dhimeyn, taas ayaanu rabna haddii ILLAAHEY yidhaaho in aanu kula tacaallo, marka la dareen ayaanu nahay bulshadayada maadaama xilli beeraadkii lagu jiro”

Leave a Reply