Wasiirka Shaqo Gelinta iyo Arrimaha Bulsahda oo ka Qayb Gashay Shir Lagu Dersayo Daryeelka Xuquuqda Carruurta

0
490

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Wasaarada Shaqo-galinta Arimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa ka qayb gashay shir lagaga hadlayay Arimaha Daryeelka iyo Xuquuqda Carruurta ee ay Hay,adda Unicef ka fuliso Somaliland.

Hinda Jaamac Gaani oo furitaankii Shirkaa hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in Hay,adda Unicef in ay ka wada shaqeeyaan Xuquuqda Carruurta iyo Daryeelkooda,waxaanay intaa ku dartay in ay dalka ka fuliso adeegyo la taabankaro.waxaana ay tidhi“Waxaan qirayaa in Sannadka 2019 ka in xuquuqda Caruurta ay innooga qabsoomeen wax faro badan oo runtii ah ka Wasaarad ahaan waxa aanu hor gaynay Golaha Wasiirada Xeerka ilaalinta Xuquuqda Caruurta,kaas oo nqonaya xeer lagu dhaqo Carruurta Somaliland,intii aanu ku jirnay shaqada ilaalinta Xuquuqda Caruurta waxaanu muran ku jirin waxyaabaha noo hirgalay in ay yihiin wax la taaban karo. waxaanan ka wada shaqaynaa Hay’adda Unicef tacadiyada ku dhaca Carruurta iyo caddaalad siinta Carruurta Sharciga ku xadgudba Wasaarada Caddaaladda waanu ka wada shaqaynaa,waxaana Hay,ada UNICEF ay qabataa wax la taabankaro waanan uga mahadcelinayaa,”.

Waxaa kale iisna kulankaa ka hadlay Agaasimaha guuud ee Wasaarada Caddaaladda Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo sheegay in shirkan ay ku soo bandhigi doonaan wixii caqabado ahaa ee ka hor yimi sannadkan.waxaanu yidhi“Waxa aan uga mahadcelinaynaa Hay,adda UNICEF oo laga soo bilaabo illaa 1991 kii dedaalada ay dalka ka waddo waana hay,ad si wayn u garabtaagan Waxbarashada iyo Caafimaadka, ka Wasaarad ahaanna waxaanu shirkan kaga soo qayb galnay in aanu soo bandhigno wixii caqabad ahaa ee jiray Sannadkan 2019 ka,”.

Leave a Reply