Wasaaradda Ciyaaraha oo Tartan Ciyaareed Sadex Gobol ah Furtay Boorama

0
439

Boorama (Dawan):- Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland,ayaa tartan ay isku arkayaan ciyaartoy ka socda sadex gobol ka furtay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Tartankan oo ay ka qayb gelayaan 16 kooxood oo kubadda cagta aha isla markaana ka kala socda gobolada Maroodijeex,Gabilay iyo Awdal,ayaa shalay si rasmi ah uga furmay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Cabdilaahi Siciid oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ciyaaruhu yihiin is-dhexgalka, walaaltinimada iyo inay ka qayb qaataan dhallinyaradu sidii ay uga badbaadi lahaayeen balwadaha iyo aafada tahriibka

Agaasimaha guud oo ka hadlayay furitaankii tartanka ayaa yidhi. “Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Ciyaaruhuba waxay u taaganyihiin inay ka qayb qaataan horumarinta dhallinyarada iyo in garaadkooda la kobciyo, dhawaanna waxa garoonkan (Xaaji Daahir Stadium) laga furi doonaa tartanka naadiyada heerka labaad.”

Xasan Siciid Dheel Dheel Isu-duwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Awdal iyo Xoghayaha Wasaaraddaas Cabdisamad Ibraahim oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Gobolka Awdal uu diyaar u yahay inuu hirgeliyo siyaasadda lagu horumarinayo ciyaaraha iyo dhallinyarada Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal.

Waxa tartankan ka qayb qaadanayaa 16 kooxood oo todoba ka mid ahi ay ka socdaan gobolka Maroodi-jeex, halka saddex kooxood ay iyaguna ka socdaan gobolka Gabiley iyo lix kooxood oo ka tirsan kooxaha gobolka Awdal.

Waxa uu tartankan 16-ka kooxood socon doonaa laba todobaad oo ay kooxuhu hal is-arag wada ciyaari doonaan si isku dhaf ah.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply