Sirdoonkii Dalkiisa Daacada U Ahaa!

0
495

Rafaat Al-Hajan waxa uu ka mid noqday basaasiinta caanka ka ah ee dalka Masar. Magaciisa dhabta waxa uu ahaa Sulaymaan Jamaal. Dalka Israa’iil gudihiisana waxa looga yaqaanay Jack Beaton iyadoo sirdoonka Masaariduna ay u yaqaaneen Rafat Al-Hajan.

Waxa uu ka furtay xarun ganacsi oo weyn magaalada Talabiib, waxaana uu noqday qof caan ka ah bulshada Yuhuudda oo weliba ay jecel yihiin marka dabcigiisa iyo dad la dhaqankiisa la eego.  Wuxu sanado badan basaasayay Dalka Israa’il, isagoo  usoo gudbiyay sirdoonka Masar macluumaad badan oo muhiim ah, waxaan uu soo marin jiray shirkad dalxiis oo Israa’iil gudaheeda ka shaqaynaysay.

 

Dagaalkii 1967 ayuu siro badan uga soo gudbiyay dalkiisa gudaha Israa’iil, waxaana uu qayb weyn ka qaatay diyaar garwgii dagaalkii 1973 , isagoo warbixin sugan ka keenay Qalacadii  Barleif ee Yuhuudda ee adkayd. Masar waxa looga yaqaan geesi muddo 17 sano ka hawl galay  gudaha Israa’iil. Rafat Al-Hajan wuxu ugu ku dhintay dalka Talyaanig 1982-kii  waxaana sabab u ahaa xanuunka kansarka oo kaga dhacay sambabada.

Qisaskii hawlgalkiisa qarsoon waxaan laga metelay filim aad loo jecel yahay oo laga daawado TV-ga, waxaana  metelo Maxamud C/casiis.

Sirdoonkan dalkiisa daacadda u ahaa ayaad uga yaabiyay dalka Israa’iil iyo hay’adeeda sirdoonka ee MOSAD.

Leave a Reply