Waan Ku Farxay Qaabka Uu Dhintay Ninkaygu!

0
596

Mar kasta maaha qosolku mid farxad ku dhamaada, dunida dad badan ayaa u dhintay qosol ku bilaabmay farxad.

Sanadkii 1975 nin shaqaale Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray Alex Michel ayaa dhintay isagoo ka daawanayay Tv-ga taxanayaasha maaweelada ah (musalsal).

Micheil ayaa qosol bilaabay intii uu daawanayay barnaamijka ,laakiin nasiib daro wuu joojin kari waayay muddo 30 daqiiqo, iyadoo markii danbe uu wadnuhu istaagay oo halkaasi ku dhintay. Warqad ay gabadhiisu u qortay barnaamijkaasi ayay uga mahadnaqaday sida fiican ee ay ninkeeda sabab ugu noqdeen inuu faraxsanaado wakhtigii uu dhimanayay. Iyadoo ku qortay “ mahadsanidin, aniguna waan ku farxay in ninkaygu dhinto isagoo faraxsan”.

Sidoo kale , Faylasuufkii lagu magacaabi jiray Thomas Earcart ee u dhashay dalka Ingiriiska ayaa sanadkii 1660 la soo gaadhsiiyay war uu aad u xiisaynayay oo ahaa boqorkii Charles labaad, inuu kursiga boqortooyada ku fadhiistay.

Isla markii uu maqlay warkaasi aad ayuu farxay Thomas waxaana u  bilaabay qosol farxadeed oo xoogan oo aan joogsi lahayn.

Faylasuufka Thomas waxa uu ahaa nin dareenkiisu kacsan yahay oo waxa uu jeclaado is wada raaciya, sidaa darteed qosolkii wuu joojin kari waayay ilaa ay neeftu qabtay oo muddo yar ka dib qosol dartii u dhintay.

 

 

Leave a Reply