Magaaladii La Rogay Ee Aan QOf ka Hadhin!

0
460

Saint-Pierre waxay ku taalla dalka Faransiiska waxa magaaladan la dhisay qarnigii 16aad , sanadkii 1635.  Waxay ahayd magaalo weyn oo muhiim u ah dhinaca dhaqaalaha, dhaqanka iyo aqoontaba, waxaana loo yaqaanay Paristii badda Caribiyeenka.

Markii Faransiisku caasimadda siyaasadda ka dhigtay magaalada Parise waxay magaladani noqotay caasimadda dhaqanka iyo aqoonta.

Laakiin magaaladan ayaa ah mid had iyo jeer ay ku habsadaan masiibooyin dabiici ah sanadkii 1780  waxa magaalada ka dhacay duufaan dhererekiisa lagu qiyaasay 8 mitir kaasi oo wada burburiyay dhamaan guryihiii magaalada, isla markaana ay ku dhinteen 9000 qof.

Waxa haddab yaab noqotay markii haddana sanadkii 1902 uu magaaladan ka qaraxay Volcano , kaasi oo sababay inay dadkii magaalada oo dhami wada dhintaan iyo xataa kuwo degenaa goobo jaar laah,  tirada dadkaasi ayuu lagu qiyaasaa 28 kun qof.

Arinka yaabka leh aya noqday in qaraxaasi ay ka badbaadeen laba nin oo maxaabiis ah oo ku hoos jiray god hoose oo jeelka ah. Waxaana la odhan jiray August Cyparis iyo Bailey.

Markii  ay shilkaasi ka nabad galeen waxay degeen cidhifka magaalad burburtay oo lagu waraysan jiray siday u badbaadeen. Laakiin iyaga laftigooda ayaan waxba ka ogayn sida wax u dheceen.  Magaaladana magaceeda Saint-Pierre waxa uu taagan yahay Sayidka Pierre oo ah wadaadii Kirisataanka aaminsan mid ka mid ah.

 

Leave a Reply