Madaxweynaha Somaliland oo Soo Dhaweeyay Billadda Caalamiga ah ee uu ku Guulaystay Raysal-waraaraha Itoobiya

0
519

“Hambalyo guusha aad mudantahay”Madaxweynaha Somaliland

 

“Waad u qalantaa abaalmarinta lagu siiyay” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Qore Maxamuud Walaaleeye

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyhadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray, isla markii ay soo baxday ee loogu dhawaaqay shalay in uu ku guulaystay billadda abaalmarinta nabadda Adduunka ee sannadkan Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ee lagaga dhawaaqay xarunta dalka Norwey ee Oslo.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku baahiyay hambalyada uu u diray Raysal-wasaare Abiy Axmed, ayuu ku bogaadiyay guusha abaalmarinta billadda nabadda adduunka ee shalay loogu dhawaaqay.

Madaxweyne Muuse Biixi isaga oo ku hadlaya magiciisa iyo ka qaranka Somaliland, ayuu yidhi. “Anigoo ku hadlaya magaca dadkayga, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan jecelahay inaan hambalyeeyo Raysa-wasaaraha Md Abiy Axmed Cali, oo ku guuleystay abaalmarinta Nabada (Nobel Peace Prize) ee sannadka 2019.” ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Hambalyo guusha aad mudantahay.”

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xiigeenka qaranka Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya mudane Abiy Axmed ugu hambalyeeyey abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda adduunka ee uu ku guulaystay.

Qoraal kooban oo mudane Saylici ku baahiyay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu dhambaal hambalyo ah ugu diray Raysal-wasaare Abiy Axmed isagoo sheegay in uu u qalmo abaalmarinta caalamiga ah ee la siiyay islamarkaana uu ku mutaystay dedaalka uu u galay nabad ku soo dabbaaliadda colaad raagtay oo u dhaxaysay dalkiisa iyo waddanka ay deriska yihiin ee Eratariya.

Mudane Saylici, ayaa ku yidhi dhambaalka uu u diray Raysalwasaaraha Itoobiya. ”Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan jecelahay inaan ugu hambalyeeyo walaalkay Raysal-wasaaraha Itoobiya sida loogu xushay abaalmarinta Nobe Peace Prize ee sanadka 2019.

Waxaad adduunka ku dhiirigelisay in aad heshiis nabadeed la saxeexato Ereteriya oo ku soo afjarto labaatan sanno oo colaad ah. Waad u qalanta abaalmarinta lagu siiyay.”

Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaya qofklii 100-aad ee ku guulaysta biladda nabadda adduunka waxaana Magaalada Oslo ee dalka Norway lagu guddoonsiin doonaa abaalmarintan bisha Desembar. biladdan oo qiime ahaan u dhiganta $900,000.

 

Leave a Reply