Saboolnimada Waxa Uu Kaga Baxay Maskax Iyo Dadaal !

0
431

Salvador Gonzales wuxu dhashay sanadkii 1948, waxaana u ahaa Cuban. Waxaana u farsamo ahaan mareeyay noloshiisa saboolnimada ahayd markii uu is baray sawir gacmeedka oo wakhtigaasi suuqiisu xaami ahaa ,isagoo xataa dadka ku sawiri jiray gacanatiisa.

Marka uu yimaaddo makhaayadaha ee raashinka cuno wuxu ugu bedeli jiray sawir gacmeed ay gidaarada ku qurxiyaan.  Waxa uu furtay xarun sawirka oo uu bixiyay Salvador Artist. Salvador xirfad aqooneed sawirka ma lahayn, haddana sanadkii 1968  horaantiisa ayuu soo bandhigay muuqaalkiisa ugu horeeyay ee farshaxanka sawirka.kaasi oo ka dhacay Havana caasimadda Cuba “”Arte Popular Cubano”.

Mudadii ka danbaysayna wuxu noqda sawirle caan ah oo mar kasta soo bandhigo muuqaalo cusub 1980 ayuu helay dhaqaale wanaagsan. Sanadkii 1986 wuxu bandhiga farshaxanka ah ku qabtay Roma caasimadda Talyaaniga.  Maaanta Cuba waxa ka furan kumanaan farashaxan oo dhamaantood xidhiidh la leh Slavador madaama uu yahay asaasihii farashaxanka Cuba. Wuxu ka qayb gala oo lagu martiqaadaa bandhigyada dhinaca farshaxanka ee Yurub iyo Maraykanka waxaana Maraykanka uu kaga qayb galay 2002.

Waraysi uu la yeeshay TV Cuba oo uu qaaday weriye Bette Wanderman. Socday 79 daqiiqo ayuu ku cadeeyay in nolosha waxa lagu maareeya ay tahay maskaxda.

Leave a Reply