“Qabyaaladda iyo Dimuquraadiyaddu Isma Gelayaan.” Xuseen Dayr

0
585

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Afhayeenkii  hore Madaxtooyadda  Somaliland      Xuseen  Aadan  Cige  Xuseen   Dayr ayaa ka digay in dib loogu soo noqdo  hannaankii   Qabyaaladda ee laga soo gudbay.

Xuseen  Aadan Cige oo u waramayay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa  sheegay  in  Somaliland u gudubtay hannaanka  xisbiyada badan ee  Dimuqraadiga ah,isla  markaana aanay is gelayn Dimuquraadiyadda    Qabyaaladda iyo  reernimadu.

“Waxa   Wadankeenu uu u gudbay hannaanka Dimuqraadiyada ee Xisbiyada  badan Qabyaalada iyo reernimada in aynu kaga  baxno  oo   isku doorano  ayaan u dooranay  Dimuqraadiya,waxa aad moodaa in   Qabyaaladii    dib inoogu soo noqotay oo halkii aynu ka bixi lahayn ay reernimadii ka awood badan tahay Dimuqraadiyadii  ismana geli karaan  Dimuqraadiyada iyo reernimadu,”.

Xuseen Dayr  Waxa uu sheegay in Madaxweynuhu  awood u leeyahay cidda uu magacaabayo   ee uu xil u dhiibayo.waxaanu yidhi“Madaxweynuhu isagaa awood u leh ciddii uu xil u dhiibayo iyo  ciddii  aanu xil u dhiibayn Madaxweynuhu uma dayma   la’a in uu isku miisaamo  xilalka uu u  magaccabayo in  dadku ka wada muuqdaan,faa’iido ma leh  guddoomiye hebal oo meel loo magacaabo isaga ayuunbaa shaqo tegay waxa ka muhiimsan in dadku deegaan ku hadlaan oo la yidhaahdo  deegaan hebel Waxbarashadii Biyihii  iyo  Caafimaadkii   halkaa ayaanu ka taagannahay halka imika laga leeyahay saadkii beelnimo mahaysano waxa ka muhiimsan in  Xukuumadda  lagula xisaabtamo xaga  horumarka,”.

Sidoo kale  Xuseen  Aadan   Cige ayaa waxa uu ka digay in laga feejignaado   Maamulka   Soomaaliya  ee ku foogan kala qaybinta umadda Somaliland.waxanu yidhi“Somaliland  waxa  ay leedahay  cadaw  doonaya in aanay isku taagin  lugaha  Soomaaliya  geed dheer iyo  geed gaaban waxay isugu taagtay  in  umadda  Somaliland  ay isku dhacaan,waana in  dareenka guud ee umadda  Somaliland   uu ka qiimo badanyahay dareenka shakhsiga halkii laga fikiri lahaa dan qabiil ama dan shakhsi waxa ka muhiimsan in la kobciyo danta guud ee umadda midaynaysa,waxaana loo baahanyahay in dedaal dheer iyo juhdi midaysan loo galo Midnimada umadda,”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply