Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo ka Hadlay Xubnaha Gudida Doorashooyinka ee loo soo Gudbiyay

0
473

Qore:Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe  Maxamed Faarax ayaa  sheegay in  Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi uu usoo gudbiyay Golaha  Wakiilada   Toddobada xubnood ee  Komishanka Doorashooyinka.

Baashe  Maxamed  Faarax oo shalay u waramayay   Warbaahinta ayaa   intaa ku daray  in   Golaha Wakiiladu waajibaadkiisa  Dastuuriga ah   ka gudan doonaan   Xubnaha Komishanka  Doorashooyinka  ee loo soo gudbiyay,

Baashe  Maxamed  Faarax oo Arimahaasi ka  hadlayayna waxa uu yidhi“Toddobadii  Xubnood   Komishanka  Doorashooyinka Qaranka waa la soo gudbiyay    Golaha  Wakiilada   ayaanay  hor yaallaan waajibaadkiisa  Dastuuriga ah   ayaanu   ka gudan doonaa Golaha  Wakiiladu,waxaana  loo  gudbin doonaa  Xubnaha   Komishanka  Doorashooyinka  Gudida  Arimaha Gudaha  ee  Golaha  Wakiilada  markaa  Golaha  ayay  ku soo celin doonaan  ka dibna waajibaadkiisa Dastuuriga ah   ayuu ka gudan doonaa Golaha Wakiilada,”.

Baashe  Maxamed  Faarax ayaa  waxa  uu sheegay  in  Xisbiga WADDANI  usoo gudbiyay qoraal uu ku hakinayo  xubintoodii  Komishanka  Doorashooyinka ee loo soo gudbiyay.waxaanu yidhi“Waxaa  na soo gaadhay   Waraaq  uu soo qoray Xisbiga  WADDANI  oo uu ku hakinayo  xubintiisii   Komishanka  Doorashooyinka  waxaanay ka cabanayaan  Xubnaha  Komishanka  Doorashooyinka ee la soo gudbiyay    cabashana ayaanay  muujiyeen  labo xubnood,”.

Sidoo kale Baashe Maxamed  Faarax ayaa  waxa wax laga waydiiyay  cabasho  Xildhibaano ka  tirsan   Golaha  Wakiilada ka muujiyeen  Safaarada  Turkey ee Somaliland.waxana uu ku jawaabay oo uu yidhi“Cabashadaasi way jirtaa  oo waa laga wada cabanayay   Safaarada   Turkey  Golaha  Wakiiladu   xidhiidh toos ah lama la laha Safaaradaha  dalka,waxaanan  cabashadaas u gudbinaynaa  Wasaarada  Arimaha  Dibada  Wasiirka  Arimaha  Dibada  ayaana u dhaxeeya dalka  iyo  Safaradaha,”.

 

 

 

 

Leave a Reply