Darbiga Dhiiga HIV. Haku Xad Gudubin!

0
569

Gabadh dhakhtarad ah oo u dhalatay dalka Baraasiil ayaa dhibaato kala kulantay tuug uga soo dhacaysa dayrka gurigeeda wakhti kasta,

Waxay tuugutu ka xadeen alaabooyin guriga u yaalay  Dhakhtarada ayaa hab farsamo ah oo aqoonteeda la xidhiidha kaga fogaysay tuugada gurigeeda. Waxaan ay gidaarka dayrka ku taxday Xidhmooyin siringiska dadka irbadaha lagu siiyo dadka qaba xanuunka HIV-AIDS.

Dhakhtardan ayaa markii ay ku taxaday dayrka irbadihii daraasiinta ahaa ku qortay weedhahan digniinta aha:  “Gidaarkani wuxu leeyahay dhiiga AIDS oo dhab ah. Ha isku deyin inaad ku xadgudubto” ha isku deyin in aad ka soo dhacdo”. Hadaad sidaa samayso waxaad si fudud u qaadi kartaa cudurka AIDS.

Waxaana la sheegay in arinkaasi ay kaga badbaaday tuugadii sida joogtada ugu soo dhacaysay gurigeeda oo  ka baqatay inay irbaduhu mudanaan oo si fudud u qaadaan xanuunka halista ah ee AIDS-ka.

Leave a Reply