Madaxwweynaha oo Jawaab Sharci Ka Bixiyay Cabashada Mucaaridka

0
589

Madaxweynaha qaranka oo bogaadiyay Tallaabo Bulshadu qaadday oo uu hore u faray, waxaanu farriin u diray tijaarta dalka

 

 

 

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaaab sharci ka bixiyay cabasho ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka oo ka cawday laba xubnood oo madaxweynaha Somaliland u magacaabay komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub oo hadda hor yaalla golaha wakiilada.

Waxaanu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi in xubnihii ay u soo gudbiyeen xisbiyada iyo Guurtidu in aanu midna faro gelin, isla markaana uu magcaabay xubnihii sharcigu u jideeyay, loona wada gudbiyay hay’addii qaranka uga masuulka ahayd in ay kala shaandhayso oo ay soo baadho oo ah golaha wakiiladda Somaliland oo awood dasrtuuriya u leh in ay diidaan ama ansixiyaan.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Muuse Biixi uu bogaadiyay tallaabo bulshadu qaadday oo madaxweynaha qaranku hore bulshada ugu dhiiri geliyay kuna dardaaray,taas oo ahayd in dalkeena aynu wax kala soo baxno oo aynu beerano cuntada aynu u baahannahay kana maarano dhuuni shishiiye ku tiirsanaantiis.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasibad shalay lagu xusayay maalinta cuntada adduunka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta beerah Somaliland isla markaana ay ka soo qayb galeen beeralayda dalka o isaga kala yimi gobolada dalka oo dhan kuna soo bandhigay waxsoosaarka ay tabcadeen iyo hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland iyo xubno ka tirsan golaha xukuumadda.ayaa sheegay in beeralayda dalku ay dedaaleen isla markaana wax badan ay soo saareen,waxaanu farriin u diray ganacsatada dalka.

“Waxaan bogaadinayaa beeraleyda beeraha ka shaqaysa oo baaqayagii ugu horreeyey ahaa aynnu wax soo saarno waxtarkoodii iyo qodaalkoodii ku dhiirraday dhammaan gobollada oo dhan oo kor u qaaday wax soo saarkii beeraha, in badannina imika ku hawllan tahay inaanu taladaas wada qaadannay oo aannu hawshaas wada galnay oo aynnu u diyaar garowno inaynu cuntadeenna innagu soo saarno oo aynu yarayno ku-tiirsanaanta dalalka shisheeyaha ah.”

Madaxweynuhu waxa uu hogo-tusaaleeyey sida loogu baahan yahay in ganacsatada iyo dadka hantida haya in laga rabo inay xukuumadda kala qayb-qaataan horumarinta dalka iyo hirgelinta danta guud, maadaama oo ay gacanta ku hayaan 80% (Boqolkiiba siddeetan) hantida Somaliland taalla.

Madaxweynha ayaa jawaab sharci ka bixyay cabasho xisbiyada mucaaridku ay ka muujiyeen laba xubnood oo Madaxweynuhu u magacaanay ka mid noqoshada komishanka doorashooyinka qaranka.

Waxaanu sheegay in xubnihii ay u soo gudbiyeen guurtida iyo xisbiyada mucaaridku midna in aanu ku faro gelin isla markaana hawshaas ay leeyihiin golaha wakiiladu isna uu magacaabay intii sharcugu u jideeyay kala saaristoodana ay awood u leeyihiin golaha wakiiladu isla markaana wixii ka soo baxa uu u hoggaansamyo.

Waxaanu yidhi. “Labada xisbi ee mucaaridka ahi waxa ay keeneen labadii xubnood ee sharcigu siiyey, kumaan farogelin, waayo cid baa u dambaysa sharciga oo intayadaba dib u hubinaysa, sidii ay ahayd baanan u qaatay, Guurtiduna way ii keentay, iyana kuma farogelin oo xeerkaa ah in la is ixtiraamo, awoodda joojintana ma lihiye talo ayaan leeyahay, haddaan xataa wax qoonsado waxan odhan karaa xisbiyow malaha arrintaas sharcigaasaa ku gef ah oo Baarlamaanku way kugu qabsan doonaane halkaas ka sax, midnase ma odhan, anna intii sharcigu ii oggolaa uun baan kusoo daray,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas ku daray.

“Dadkaasna maxkamad baa la geynayaa, maxkamadduna waa Baarlamaanka, Baarlamaanka la leeyahay sharcigii aad dhigteen dadkaas lasoo naqeeyey ma waafaqsan yihiin, shirguddoonka Baarlamaanka oo qudhina ma laha arrintaase waxa leh gole weynaha, way faaqidi oo ka doodi, marka dambena cod bay u qaadi wixii ay soo celiyaanna, haddii aniga la igu soo celiyo iyo haddii xisbi lagu soo celiyoba ceeb ma ahee kuwo kale uun baa la keeni oo waa la sixi, waayo sharciga ayaa sidaas oggol, haddii ay sii wada daayaanna waa awooddooda.”

 

 

 

Leave a Reply