Hooyada uurka leh iyo Cudurka Aydhiska

0
840

Hordhac:

Cudurka Aydhisku (AIDS) waa xanuun uu sababo fayraska cudur sidaha ee HIV(human immune deficiency virus). Wuxuu halis galin karaa nolosha bukaanka isagoo daciifinaya difaaca jidhka iyo awooda uu jidhku u leeyahay la dagaalanka cudurada.

Aydhiska waxaa la iskugu gudbiyaa galmada. Waxa kale oo uu ku faafaa dhiig shubista, hooyada cudurka qabta oo u gudbisa cunnuga ay umusho ama ay naas nuujiso.

Fursad intee leeg ayay ugu gudbin kartaa Hooyada uurka lihi ilmaha?

Hadii aan la qaadin wax talaabooyin ah, oo lagu yaraynayo suurtagalnimada in cudurku u gudbo ilmaha uurka ku jira, marka ay hooyadu uurka ku sido, xillaga foosha ama naas nuujinta, waxay u gudbin kartaa 15% ilaa 45%. Laakiin hadii la qaado tallaaboyinka caafimaad ee ku haboon maraaxishaasha kala duwan ee kor ku xusan, waxa la yarayn karaa fursada uu cudurku ugu gudbayo Ilmaha oo la gaadhsiin karo ilaa 5%.

Side/goorma ayay hooyada uurka lihi u gudbin kartaa cudurka ilmaha?

Saddex hab ayuu u gudbi karaa cudurku Ilmaha;

  1. Xilliga ay uurka ku sido; cudur sidaha Aydhisku waxa uu ka gudbi karaa madheerta, sidaas ayaanu ku qaadi kara ilmahu.
  2. Xilliga foosha/Dhalmada; Ilmahu waxa jidhkiisa taabanaya dhiiga iyo dheecaanka hooyada marka ay foosha/umushu dhacayso, goorta uu cudurku ugu gudbis badan yahayan waa markan.
  3. Naas nuujinta; waa suurta gal in cudursiduha soo raaco caanaha naaska hooyada, deetana saas ugu gudbo cunnuga.

Sidee looga hortagi karaa in uu cudurku u gudbo Ilmaha?

Waa laga hortagi karaa in cudurku u gubo Ilmaha hadii la qaado tallooyinka/ tallaaboyinka hoos ku xusan;

  1. Gabadh kasta oo uur yeelata waa in laga baadho Aydhis, hore u ogaanshaha in hooyadu cudurka qabto waxa uu sarre u qaadayaa yaraynta fursadaha ay cudurka ugu gudbin karto Ilmaha.
  • Haddii hooyada uurka leh laga waayo cudurka, balse ay la nooshahay lamaane cudurka qaba waxaa ay la tashanaysaa dhakhtarka, iyada oo la siinayo tallooyin lagaga hortagayo in iyadda ama cunugu uu qaado cudurka.
  1. Hooyada uurka leh ee qabta cudurku waa in ay si joogta/maalinle ah u qaadataa daawooyinka loo qoray ee cudurka Aydhiska, waxay tani meesha ka saari kartaa suurto galnimada in cudurku u gudbo Ilmaha.
  2. Marka ay hooyada cudurka qabtaa ay umulayso, sida ugu fiican ee looga hor tagi karo in ay ilmaha u gudubtaa, waa in loo sameeyo qaliin.
  3. Hooyada cudurka qabtaa waa in aanay nuujin naaska cunnuga ay umusho.
  4. Waa in laga baadho cudurka nuunaha.

 

 

Leave a Reply