Wasaaradda Degaanka oo Dhir u Qaybisay Xaafadaha iyo Xarumaha Dawladda Caynaba

0
505

Qore Khadar Cabdi Muuse

Caynaba (Dawan)- Wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay magaaladda Caynaba ee gobolka Saraar ku qaybisay in ka badan 2500 oo geed oo lagu qurxinayo bilicda magaaladda.

Waxaana dhirtaasi qaybiyay Isu-duwaha wasaaradda degaanka ee gobolka Saraar Farxaan Saleebaan Gaas iyo xoghayaha gobolka Saraar.

Dhirtaasi ayuu u qaybiyay isu-duwuhu xaafadaha magaaladda Caynaba, xarumaha dawladda iyo xaafadaha barokaceyaasha ee magaaladda Caynaba.

Farxaan Saleebaan Gaas, ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay beertaan dhirtaasi, isla markaana ilaashadaan oo aanay dayicin dhirta loo qaybiyay.

Isagoo fariin u dirayay dadweynaha magaaladda Caynaba ee Dhirta loo qaybiyay, waxa uu yidhi “Dadweynaha waxaanu ugu baaqaynaa dhirtaa aanu u qaybinay, in ay dhirtaa beertaan, oo ay ilaaliyaan, oo ay ku beeraan wadooyinka.

Waxa kaloo aanu Dhirta u qaybinaynaa Xabsiyadda, xarumaha wasaaradaha iyo meelaha y degan yihiin dadka barokaceyaasha ah iyo tuulooyinka. Markaa dadka waxaan leeyahay geedka, waa in aad ilaalisaan, oo aydaan dayicin.

Waa dhirtii ugu badnayd ee aanu idiin keenay, intaa iyo in ka bada-na waanu idiin keenaynaa. Waa in aad mar walba ku dedaashaan, in aad ilaalisaan dhirtaasi”.

Geesta kale isu-duwaha ayaa digniin u diray dadku hawlan gubista Dhirta qoyan, isagoona sheegay in ay olole ku qaadayaan Dhuxulaysata degaankaasi oo uu tilmaamay in cidii ay ku soo qabtaan in maxkamadda la gayn doono.

Waxaanu yidhi “Waxa kaloo aan halkan baaq uga diryaa qoladda Dhuxusha ka shidata degaanka Ceelal, in aanu si dhakhso ah olole dhakhso ah ugu qaadi doono. Iyadoo wixii dhuxulaysato ah ee la soo qabtana, maxkamadda la hor gayn doono”.

 

Leave a Reply