Kalluumaysatadda Degmada Maydh oo ka Hadlay Baraf-dhaliyayaal Xumaaday Baaqna u Diray Xukuumadda

0
430

Qore Khadar M .Xaashi

Maydh (Dawan)- Kalluumeystadda degmadda Maydh ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in xiligan oo ah wakhtigii Bad-furanka aanu shaqeynaynin, Baraf-dhaliyihii magaaladdu kaasi oo in mudo ah xumaa, islamarkaana aanay heynin meel ay u iibgeeyaan Kalluunkoodii iyo meel ay ku keydiyaan toona.

Waxaa ay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga ay ugu baaqeen in uu wax uga qabto baahida ay u qabaan helitaanka ‘Baraf-dhaliye’ iyo wixii ay ‘Kalluunka’ ku qaadi-lahaayeen.

Qaar ka mida Kalluumeysatada degmadda Maydh oo ugu horreyn arrinataasi ka hadlayayna waxa ay yidhaaheen “Haddii aanu Kalluumeystadii nahay Laashashkayagii waa kuwa dhulkaasi yaalla waxaa naga xun, Baraf-dhaliyayaashi, ma heyno Kalluunka meel aanu geyno, dadka Qurba-joogta ah ee Cagafyadda waddada noo soo iibiyay waxaan leeyahay waar Indha dheer noo yeesha oo wax nala qabta”

“Dekadda Maydh waxa dadka ku nooli ay ka shaqeysan jirneen Baddaa, Baddiina si Allaale si aanu uga shaqeysano caawadaa garanmeyno, dhammaan Laashashkii aanu ku shaqeysan jirnayna way wada fadhiyaan oo waa kuwaasi Xeebta wada yaala, wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga waxaanu ugu baaqaynaa degmadda Maydh hoos ha u soo eegto, waxaanu ku qaadno ma heyno, Baraf-dhaliyihii ayaa naga xun, ee waxaanu leenahay wasiir Baraf-dhaliyihii waa uu naga xumaaday ee noo soo hagaaji oo noo keen, Baddu waa ay buuxdaa oo Kalluunkii waa la soo qabanayaa hase ahaate marka aanu soo qabano wax lagu keydiyo ma heyno” ayay yidhaahdeen qaar ka mida Kalluumeysatada oo farriin u diryay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumrinta Kalluumeysiga Somaliland.

Leave a Reply