Agaasimaha Wasaarada Maalgashiga oo Tababar u soo Xidhay Qaar ka mid ah Shaqaalaha

0
415

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland Deeqa Cabdi Yusuf ayaa u soo xidhay tababar muddo labo cisho ah u socday Qaybta Cududda shaqaalaha ee Wasaarada Maalgashiga.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Maalgashiga Deeqa Cabdi Yuusuf oo xidhitaankii tababarka hadal ka jeedisay ayaa waxa ay sheegtay in tababarkan kor loogu qaadayo aqoonta Qaybta Cududda Shaqaalaha ee Wasaarada Maalgashiga.

Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxa uu Tababarkani ku saabsanayahay oo lagu kaabayaa korna loogu qaadayay aqoonta shaqaalaha Wasaarada Maalgashiga qaybta Cududa Shaqaalaha.

Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu inaga sugayaa in shaqo abuurkii dalka aynu kordhino, Dhaqaalaha dalkana kor u qaadno, waana in qof kastaa ba la soo tooso maxaynu la hortgaynaa Xukuumadda, Wasaarada Maalgashigu imisa Shaqo abuura ayay samaysay, macdantii dalka ma la soo saaray. markaa waa in aynu ka gaashaamanaa, cududii Shaqaalaha Wasaarada waa in aynu hagaajino oo aynu u diyaar garawno, waa in aynu la jaan-qaadnaa Wasaaradaha kale ee qaranka ee 1991kii la aasaasay”.

Agaasimaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Xamse Suldaan oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim u tahay Wasaarada Maalgashiga Waaxda cududa Shaqaalaha. waxaana uu yidhi “Waaxdan cududa Shaqaalaha waa waax u muhiima Wasaarada Maalgashiga iyo Wasaaradaha kale ee qaranka.”

 

 

 

 

Leave a Reply