Madaxweyne Muuse Biixi oo ka Qayb Galay Aas Qaran oo loo Sameeyay Marxuum Cabdilaahi Cige Obsi

0
862

“Marxuumku muu ahayn nin faan badan oo qabiil ku faana ama wax uu qabtay ku faana runtii wuxuu ahaa shaqsiyad adag”… Madaxweynaha Somaliland

 

“Marxuumka waxaanu is naqaanay muddo konton sannadood ah isku meel ayaanu ka wada shaqayn jirnay Somaliland raggii dhidibadda u taagay ayuu ka mid ahaa”… C/raxmaan Aw Cali

 

 

 

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyay ALLE ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi) oo shalay lagu aasay qubuuraha Sheekh Nuur ee Barriga magaaladda Hargaysa.

Marxuumka oo habeen hore ku geeriyooday magaaladda Hargaysa ayaa Maydkiisa salaadii Jinaasadda lagaga tukaday masjidka Tabliiqiyiinta ee isla bariga caasimadda Hargaysa.

Waxaana aaska marxuumka ka soo qayb-galay dadweyne tiro badan oo isugu jiray madaxda xisbiyadda mucaaradka oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Hal-doorka qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland oo isugu jiray madax dhaqameed, siyaasiyiin, culimo iyo dadweyne kale, kuwaasoo dhamaantoodba ka markhaati kacay shaqsiyadii wanaagsanayd ee uu lahaa marxuumku.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka sheekeeyay taariikhdii shariifka ahayd ee uu lahaa marxuum Cabdilaahi Cige Muuse, iyo geesinimadii aanu la gaban jirin wakhtiyadda adag iyo marka ay noqoto ka gar-niqista cadaaladda.

“Maanta (shalay) waxaynu aasaynaa marxuum Cabdillaahi Cige Obsiiye, oo ahaa shaqsiyad wanaagsan, qof gob ah ayuu ahaa. Dhaqan ahaan, diin ahaan, nin intiisa badan noloshiisa u soo huray samafal buu ahaa.

Haday qaran tahay, haday saaxiibkii tahay, haday jaarkiisa tahayba, nin ILLAAHAY SWT samafalka u diray buu ahaa, oo malaha aan cidina ka eed sheeganaynin. Umalayn maayo in uu jiro cid maanta la odhanayo way is-khilaafeen ama aduun bay isku qabteen ama hadal.Qof ILLAAHAY u dhalinyay buu ahaa akhlaaq”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Dalka iyo danta guudna dadka qaybta ugu weyn ka soo qaatay buu ahaa. Nin kastoo yaqaanayba wuu ka marag furayaa. Markay xaqqa tahay buu ku dhiiranaa, hadday hadal run ah tahay iyo haday gar xaq ah tahay iyo haday dulmi la waabinayo tahay-ba.

Af iyo adinba nin aan ka gabanin buu ahaa. Laakiin, muu ahayn nin tororogleeya oo faan badan, oo ama qabiil ku faana ama wax uu qabtay ku faana.

Dadkeenuna qofka caynkaas ah ma qiimeeyaan, oo uma haystaan mar haddii aanu ninku tororog badnayn, oo aanu meelahaa ka taw-tawlaynin uma yaqaanaan nin Libaax ah. laakiin, runtii wuxuu ahaa shaqsiyad adag oo Libaax ah”.

Madaxweynaha ayaa marxuumka ALLE uga baryay in uu Jannadii ka waraabiyo, ehelka, qaraabadda, asxaabta iyo qaranka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

“ILLAAHAY SWT naxariistii Janno haka waraabiyo. Qoyskiisii iyo caruurtiisii waan ka tacsiyadaynayaa. Ummada iyo qaranka-na waan ka tacsiyadaynayaa. Ehelka iyo asxaabtana waan ka tacsiyadaynaynaa”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali Faarax, waxaanu sheegay in uu marxuumka aqoon durugsan ulaa, isla markaana ay marxalado kala duwan soo wada qaateen.

Isagoo taariikhda marxuumka ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Eheladiisii, qaraabadiisii iyo aw-laadisiiba ILLAAHAY SWT Samir iyo iimaan haka siiyo. Marxuumka waxaanu is naqaanay muddo ku dhaw ilaa konton sanadood.

Isku meel ayaanu ka wada shaqayn jirnay, halgankii ayaanu soo wada galnay. Somaliland raggii dhidibadda u taagay ayuu ka mid ahaa, nabadaynteedii iyo dhismaheediiba.

Wuxuu ahaa bini’aadam Afkiisa iyo Adinkiisaba laga nabad gallo. Raxmad badan, samo-talis ah, Soomaalinimadu ku dheer tahay. ILLAAHAY SWT ayaa ka jasaa’I siin doona intii uu dalka iyo dadkaba u qabtay. ILLAAHAY naxariistii janno haka waraabiyo, inaga iyo qaranka Somaliland-ba Samir iyo iimaan ha inaga siiyo”.

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa isna marxuumka ALLE uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo ehelka, qaraabadda, caruurtiisii iyo qaranka Somaliland-ba Samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaanu yidhi “C/laahi Cige Obsiiye, raggii iiga aqoon badnaa baa ka waramay taariikhdiisa, in uu adoon wanaagsan ahaa, in uu nin Geesiya ahaa, in uu soo halgamay. ILLAAHAY SWT waxaan uga baryaynaa in uu denbi dhaaf siiyo. In uu ILLAAHAY jannadii ka waraabiyo.

In uu ILLAAHAY SWT caruurtiisii iyo ehelkii Samir iyo iimaan ka siiyo. In ALLE qaranka Somaliland-na Samir iyo iimaan ka siiyo. Waanan ka tacsiyadaynayaa, ILLAAHAY SWT ha u naxariisto”.

Dhinaca kale waxaana halkaas hadalo ka jeediyay xubno isugu jiray madax dhaqameed, wasiiro, siyaasiyiin iyo waxgarad kaloo aqoon fiican u lahaa taariikhdii wanaagsanayd ee marxuumka.

Waxaanay marxuumka ALLE uga baryeen in uu naxariistii janno ka waraabiyo ehelka, qaraabadda, qosyka iyo qaranka Somaliland-ba Samir iyo iimaan ka siiyo.

Leave a Reply