Wiilal Qareeno ah oo ay kireysteen qolyahan sameystay astaanta (Dugsiyada gaarka loo leeyahay) sidii dawladaha, ayaa la soo joogsaday shaashadaha Telefishannada in sifayaal aan waafaqsaneyn sharciga dalka ay Wasaaradda Waxbarashadu damacsan tahay inay kula dhaqanto Dugsiyada gaarka loo leeyahay, sidaa awgeed waaxanu ka gudbineynaa dacwad ka dhan ah Wasaaradda, si ay u horjoogsadaan Maxkamadaha awoodda u lihi.
Run ahaantii waxa nasiib darro ah inay caadaba iska noqotay, in kan had iyo jeer wax dulmaa uu haddana isagii dacweeyo dulmanihii, isagoo u adeegsanaya awood dhaqaale ama mida dariiqyada suqduudka qalqalooca leh oo laf ahaantooda aanu ka maqneyn adeegsiga dhaqaaluhu, hadday tahay mid lagaga hadliyo Xildhibaano, Madaxdhaqameed iyo ta la innagu salliday ee dhinaca qabiilka.
Horta marka hore Dugsiyada gaarka loo leeyahay, haddana waa sii kala gaar oo haddana, waa la sii kala leeyahay, waxayna yihiin Saddex qeybood, qeyb ay iskood u furteen muwaadiniin reer Somaliland ah iyadoo aanay cidna ka kaalmeyn, qaar lagu furay gargaar dhaqaale oo dibadeed oo lagu soo qaaday magaca Somaliland oo sifooyinka lagu bixiyey kaalmooyinkuna kala duwan yihiin sida agoomo, sabool heerka ugu hooseeya ah iyo magacyo kale oo badan iyo qeybta Madarasadaha oo iyagana loo furay wejiyo kala duwan oo aan ugu yeedhi karno (UJEEDDO BADAN) oo dhammaantoodna mucaawino dibedeed ku furmay, isla markaana baahiyahooda kala duwana la bixiyo, meelaha ay ka helaana waxay u badan yihiin dalalka Khaliijka.
Dugsiyada gaarka ah ee ku furmay gargaar dibedeed, waxa kale oo la socda gargaarkaas dhaqaale loo qorsheeyey Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyadaasi, balse iyadoo ay sidaa xaqiiqadu tahay oo weliba meelaha qaar ee ay ka dhisan yihiin Dugsiyadana ay ku heleen dhulka ay ka dhisan yihiin bilaa lacag, ayaa waxa ay haddana ka mid yihiin Dugsiyada lacagta ugu badan ka qaada Ardeyda, sidoo kalena u horkaca Dugsiyada kale ee gaarka ah xagga kordhinta lacagta Fiiga.
Dugsiyadan waxa la mida Madarasadaha la caawiyo xagga lacagta Fiiga ardeyda laga qaddimo bil kasta, balse weliba sii dheer arrimo kale oo u baahan in Wasaaradda Waxbarashadu uga fiirsato si xeeldheer Diiwaangelintooda oo tusaale ahaan la hubiyo meesha laga furayaa inay tahay meel u baahan oo Madarasado kale aanay ka furneyn iyo in Manhajka ay dhigayaan ahaado mid ku saleysan ka Wasaaradda, si aan ubadka yaryar maskaxdooda loogu shuban aqoon ka leexsan caqiidadeena iyo ta Diinta Islaamkaba.
Guud ahaan, Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo Madarasaduhuba waxa ay toddobaadkii wax dhigaan shan maalmood oo keliya, halkii waajib ahaan ka ahayd inay ardeyda toddobaadkiiba lix cisho wax u dhigaan, halka marka la barbar dhigo Dugsiyada Dawladda oo aan lacag ka qaadin waalidiinta bil kasta, ayaa wax u dhiga ardeyda lix maalmood toddobaadkiiba. Marka ay sidaa tahay miyaan xaq loogu lahayn in lala xisaabtamo qolyahan iska leh ama Maamulayaasha ka ah Dugsiyada iyo Madarasadaha gaarka loo leeyahay?
Arrinta kale ee xusid iyo la xisaabtanba u baahani, waa ta xagga dhaqaalaha oo tusaale ahaan, markaad bixiso lacagta Fiiga bisha, haddana waqtiga imtixaan xilliyeedyada la faro ardeyda wax ka barata in mid walba keeno lacag ay ugu yeedhaan ta imtixaanka oo ah kharashka waraaqaha ay Macallimiintoodu ku soo diyaariyaan su’aalaha. Waxa halkaa ka muuqata in ay doonayaan qolyahani inay u dhaqmaan siday doonaa sida ( No man’s land) oo kale oo aan cidna kula xisaabtamin waxa ay u dhigayaan ardeyda, qaabka ay casharka ugu gudbinayaan ardeyga iyo lacagaha Fiigaha ee ku saleysan Doollarka sida badeecadaha dibedda lagaga soo iibsado Dollar-ka oo kale iyo waxyaabo kale oo badan.
Waxase la yaab ah Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo kelidood go’aansada mar allaale markay doonaan, inay kordhiyaan Fiiga ardeyda ee Billaha oo xataa bilaha Fasax ahna khasab kaga dhigaan arday kasta inuu kasoo qaado waalidkii, haddii kale aanu ka soo xaadiri Karin dugsiga soo noqodkiisa, qaabkaasina uu runtii yahay keliya qaab awood sheegasho ah, ayaa markii dhawaan Wasaaradda Waxbarashadu bilowday la xisaabtankooda ay bilaabeen sidii caadada u ahayd ololahoodii ku fadhiyey, inay ka dagaallamaan wax allaale wixii shuruuc ah ee uu dalku leeyahay, gaar ahaana ta dhinaca Waxbarashada.
Qiiqii iyo ceeryaamadii ay isku qarin jireen mar kasta oo sharci ku dhaqan ku soo hadal qaado Wasaaraddu, waxa kashifay oo bannaanka usoo dhigay bulshada reer Somaliland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi oo Arbacadii la soo dhaafay goob fagaare ah ka sheegay, in Dugsiyada gaarka loo leeyahay isku hayaan Saddex arrimood oo kala ah:-
In ay isdiiwaangeliyaan
In Fiiga ay qaadaan ee lacagta adag ah ka bixiyaan cashuurta ku waajibtay iyo
In Manhajka Waxbarashadu noqdo kan dalka ee aanu ahaan mid dibedda laga keenay.
Saddexdaa qodob oo ah kuwa aan midkoodna la dhinac mari Karin, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka iyo tan Waxbarashada ayey noqotay cabashadii ay sheeganayeen ee beryahan dembe oo dhan u galeen kaambeynka qolyahan iska leh ama Maamula Dugsiyada iyo Madarasadaha gaarka ah. Markay sidaa tahay xaajada qeyla-dhaantoodu, miyaanay ahayn oo ku caddeyn inay yihiin sidaan kor ku soo xusnay, dad diiddan la xisaabtan iyo inaan lala soo ag-marrin, lana maqashiin wixii sharci ku lug leh oo dhan?